Wasaaradda #Amniga DFS: Waxaan ka hortageynaa hubka ay Al-shabaab kala soo deegaan xeebaha #Soomaaliya

Waxaan ka hortageynaa hubka ay Al-shabaab kala soo deegaan xeebaha Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortageyso hubka Shabaab ay kala soo dagaan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay gacanta ku hayaan xoogaga Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya C/naasir Siciid, ayaa wuxuu sheegay dadaalada dowladda Federalka Soomaaliya iminka ay wado in ay tahay arrinta la xiriirta sidii dakadaha Soomaaliya hubka ay kala soo dagaan Shabaab iyo Daacish looga hortagi lahaa.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in si taallaabadaa loo suurtagaliyio dowladdu dhiseyso ciidamada badda Soomaaliya oo si wayn loo tayeyn doono, si xeebaha Soomaaliya ay uga shaqeeyaan.

“In aan ka hortagno Ururada argagixisada adeegsiga ay adeegsanayaan baddan Soomaaliya ee iska furan noqotay iyaga oo hub kala soo daga Gobolada qaybtooda, kuna dhibaateeya shacabka Soomaaliya, arrimahaasi oo dhan markaan aragnay waxaan istusnay in aan dhisno ciidamada illaalada Xeebaha Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Ku xigeenka amniga Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa Wasiir ku xigeenka dhanka amniga Soomaaliya wuxuu ka sheegay kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen Wasiirada dhanka ammaanka ee Maamul Goboledyada iyo kan dowladda dhexe, kaasi oo lagu lafa gurayay suurtagalnimada in laga hortago hubka ay la soo dagaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Al Shabaab ayaa hub badan waxa ay kala soo dagaan deegaano ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan, hubkaasi oo badanaa ay ka soo iibsadaan dalka Yemen.
Developed by Jago Desain