Yaasmiin Saalax xaaji Cumar Oo Sheegtay In Ay Tahay Musharax Xildhibaan



Gudoomiyaha haweenka iyo arrimaha qoyska gobolka Gardafuu Yaasmiin Saalax xaaji Cumar ayaa sheegtay in ay tahay musharax u tagaan xubinta golaha wakiilada Puntland ee sanadka 2019-ka
Yaasmiin Saalax Xaaji Cumar ayaa hal ku dhig ka dhigatay Aqoon, Midnimo, Horumar iyo Cadaalad.
Waxaan ka codsanayaa shacabka reer Puntland inay igu taageeraan sidaan ugu guulaysan lahaa xilkaasi si aan uga shaqeeyo hormarka dadka iyo dalka ayey tiri Yaasmiin Saalax xaaji Cumar .
Yaasmiin Saalax xaaji Cumar ayaa ku adkaysatay in loo baahan yahay sanadkan in haweenka ka soo dhex  muuqadaan golaha wakiilada cusub ee Puntland, kuwaasi oo ka imaanaya gobolka Gardafuu, maadaama   doorashadii hore meesha laga saaray doorkii haweenka ee gobolka
Bisha food nagu soo heysa ee Agoosta ayaa lagu wadaa in la kala diro golaha wakiilada Puntland, isla markaana qorshuhu yahay in Puntland gasho jawi doorasho guud.




Developed by Jago Desain