Deg Deg: Ciidamada Booliska Somaliya Oo Xabsiga U Taxaabay Masuul Sare Oo Ka Tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Lagu Soo Eedeeyay Musuq Maasuq

Deg Deg: Ciidamada Booliska Somaliya Oo Xabsiga U Taxaabay Masuul Sare Oo Ka Tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Lagu Soo Eedeeyay Musuq Maasuq
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu eedeeyey qaadasho laaluush.

Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdul Qaadir C/llahi Xasan Shaango, waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaas oo marka baaristoodu soo dhamaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono.

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com 
Developed by Jago Desain