Muwaadin soomaaliyeed oo jarmalka Toorey ku dilay dhaqtar Caan ah oo qaabilsanaa qaliimadda

Muwaadin soomaaliyeed oo jarmalka Toorey ku dilay dhaqtar Caan ah oo qaabilsanaa qaliimadda

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa dalka Jarmalka fal xanuun badan ka geystay ka dib markii uu Toorey ku dilay dhaqtar Caan ah oo qaabilsanaa qaliimadda oo u dhashay dalka Jarmalka.

Falkaan ayaa ka dhacay Magaalada Offenberg ee dalka Jarmalka, waxaana la sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed uu weeraray ku qaaday goob Caafimaad oo uu lahaa dhaqtarka dhintay.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in aysan La socon wax ka dhaxeeyay dhaqtarka iyo Muwaadinka Soomaaliyeed.

Booliska Jarmalka ayaa hadda baaritaano ku wadda ninka dilka geystay oo da’diisa lagu sheegay 26 jir, islamarkaana Jarmalka soo galay sanadkii 2015-kii.
Developed by Jago Desain