SUCUUDIGA OO SOO CELIYAY MARKAB WADAY XOOLO LAGA DHOOFIYAY BOOSAASO

SUCUUDIGA OO SOO CELIYAY MARKAB WADAY XOOLO LAGA DHOOFIYAY BOOSAASO
Wararka naga soo gaaraya Dalka Sucuudiga waxaa ay sheegayaan in dowladda Sucuudiga ay soo celisay mid ka mid ah Maraakiibta Xoolaha ka dhoofisay Xeebaha Soomaaliya .


Markabka ayaa la sheegayaa in uu wado 30,000 (soddon kun) Neef oo Ari ah,kuwaas oo laga dhoofiyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga dawlad goboleedka Puntland.
lama garanayo sababta xoolahan loo sooceliyay, balse Sacuudiga ayaa horay ushegay in xolaha soomaalida ay qabaan cudurka Rifti faali,waxayna ahayd sanad ka hor markii uu  Sacuudiga hakiyay dhoofkii xoolaha  Soomaalida, sababo uu ku sheegay in aysan wanaagsaneen Caafimaadkooda.
Markabka ayaa la sheegayaa in uu ku wajahan yahay Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari halkaas oo uu markii hore ka baxay.
Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga wali si rasmi ah ugama hadlin arrintan soo korodhay iyada oo dowladda Sucuudiga dhawaan uu xayiraadda ka qaadday Xoolaha Soomaaliya.
BAARGAAL.NET

Developed by Jago Desain