Todobo xisbi siyaasadeed oo laga diiwaan geliyay dalka – akhriso liiska magacyada xisbiyada:

Todobo xisbi siyaasadeed oo laga diiwaan geliyay dalka – akhriso liiska magacyada xisbiyada: SAWIRRO

Munaasabad ka dhacday xarunta Guddiga Doorashada ayaa 7 xisbi siyaasadeed lagu diiwaangeliyay, iyagoona la guddoonsiiyay shahaadada diiwaan gelinta ku meel gaarka ah.
Xisbiyadan oo soo buuxiyey shuruudaha diiwaan gelinta KMG ah ee ku cad xeerarka iyo hab-raacyada diiwaan-gelinta xisbiyada siyaasadda ayaa waxay ku biirayaan 15 xisbi oo horay loo diiwaan geliyay.
Xisbiyada sida KMG ah loo diiwaa geliyay ayaa kala ah:-
1.  Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed
2.  Xisbiga Xorriyadda Soomaaliyeed
3.  Xisbiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed
4.  Xisbiga Midnimo Qaran
5.  Xisbiga Dalka iyo Dadka
6.  Xisbiga Isbaheysiga Isbedeldoonka Soomaaliyeed ee XIIS
7.  Xisbiga Ileys


Developed by Jago Desain