Baargaal : Musharax Xildhibaan Abuukar Indhacade oo Qado Sharaf u Sameeyey waxgarad iyo cuqaal

Baargaal : Musharax Xildhibaan Abuukar Indhacade oo Qado Sharaf u Sameeyey waxgarad iyo cuqaal

Qado Sharaftan Uu Musharaxa Xilka Barlamaanka Puntland Abuukar Axmed Yuusuf (Abuukar Indhacade ) Uu ugu qabtay Hotel Maka Al mukarama ee Degmada Baargaal waxgarad iyo cuqaal ka tirsan Beesha Ibrahim Cabdisamad Ee beelaha aadan C/raxmaan ee Siwaaqroon Ayaa Ahayd Mid uu Kaga Dalbanayay Tagerida Beesha.

Odayaasha ,Waxgaradka Iyo Nabadonada beesha Ibraahim cabdisamad ee beelaha aadan c/raxmaan Ee Siwaqroon Oo Goobta Qado Sharafta Ka Hadlay Ayaa Waxay Taagero Iskumida U Mujiyeen Musharaxa

Musharax Abuukar Indhacade oo ahaa musharxii ugu horayeey deegaanka ee isu soo taaga kamid noqoshada xildhibaanada Cusub ee Barlamaanka Puntland aayaa horay u sheegay inuu asagu xil raadis iyo dhaaqala raadis midna ahayn waxaana kamid ahaa hadaladiisii hore markuu ku dhawaaqayay musharaxnimadiisa 3dii bishii February 2018 


Anigu xil raadis iyo dhaqaale doon midna ma ahi, ujeedadeydu waaa sidii aan dadkeyga ula qeybsan lahaa isla markaana aan wax uga qaban lahaa dhibaato kasta oo ay ku jiraan”asagoo intaasi raaciyay in haddii loo doorto kursigaasi inuu u hawl gali doono sidii ay beeshiisu u heli laheyd Xuquuq walba oo ay leedahay.

Gudaha Puntland Waxaa Ka Socda Olalaha Logu Jiro Ka Mid Noqashada Barlamanka cusub ee Puntland Waxaa Malinba Malinta Ka Danbaysa Soo Baxaya Musharaxiin u tar tamaya ka mid ahaanshaha Barlamka soomaliya.




Developed by Jago Desain