Sawiro: Munaasibad Lagu Maamuusayay Ardaydii Kaalmaha ugu Horreeya ka galay Imtixaanaadkii shahaadada Dugsiyada Sare ee Puntland oo lagu qabtay Baargaal

Sawiro: Munaasibad Lagu Maamuusayay Ardaydii Kaalmaha ugu Horreeya ka galay Imtixaanaadkii shahaadada Dugsiyada Sare ee Puntland oo lagu qabtay Baargaal

waxaa Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu lagu qabtay munaasibad lagu shaacinayey furitaanka sanad dugsiyeedka cusub ee 2018/2019 , laguna abaalmarinayay ardaydii kaalmha sare  ka galay imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee Puntland  

Munaasibadan ayaa waxa ka soo qayb galay ,gudiga waxbarashada degmada  maamulka, macalimiinta, waalidiinta iyo ardayda wax ka barata iskuulada dagmada Baargaal.
ugu horaantii waxa munaasibadan ka hadlay maamulaha Dugsiga hoose Dhexe ee Bilaal macalin shaafici Yuusuf cismaan oo ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ay soo mareen iskuulada Degmada Baargaal , Heerka waxbarasho ee Iskuulada iyo Horumarka ay ku talaabsadeen  iskuulada degmada  Baargaal gaar ahaan iskuulka sare ee Maxamed xuseen .

Maamulha iskuulka hoose dhexe ee Bilaal ayaa waxaa uu dardaaran  u jeediyey ardayda sanadkan dhigan doonta iskuulka , iyo kuwa u gudbay iskuulka sare asagoo kula dardaarmay inay muujiyaan dadaal iyo karti dheerad ah sidii kuwii ayaga ka horeeyay  si ay guul taa lamid ah u  gaaraan
intaasi kadib waxaa madasha ka hadlay gudoomiyaha guddiga waalidiinta dugsiyada hoose dhexe iyo sare  degmada baargaal Sheekh Bootaan Muuse  oo ka mid ah dadka sida weyn uga howlanaa kor u qaadida tayada waxbarashada iskuulada Baargaal, waxa uuna walidiinta kala hadlay in kalsooni la siiyo maamulka iskuulka iyo macalimiinta asagoo u hambalyeey ardayda darajooyinka sare keenay ee kaalmaha ka galay imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee Puntland
Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay xoghayaha Degmada Baargaal Mudane siciid cawil dhuxul  oo  ku dheeraaday faa,iidada ay waxbarashadu u leedahay bulshada iyo horumarka lagu gaari karo.

waxaa sidoo kale khudbadabo looga hadlayo Ahamiyada  waxbarashada iyo dhiirigalinta ardayda ka jeediyay madasha gudoomiyaha  waxbarashada dagmada mudane c/raxmaan siciid cismaan (daacad) iyo qaar kamid ah waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka  iyo macalimiin, waalidiin,  iyo marti sharaf kale oo badan, kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey furitaanka  sanad dugsiyeedka cusub ee iskuulada degmada Baargaal iyo dadaalka uu maamulku la gaarab taagan yahay ardayda.

Ugu danbaytii waxaa abaalmarin la gudoonsiiyay labadii arday ee ugu sareeyay ardayda ka qalin jabisay Dugsiga sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal iyadoo la gudoonsiyeey abaalmarin katimid maamulka iskuulka sare ee maxamed xuseen iyo abaalmarin kale oo katimid RAFCO Vocational Skills training center 

sanadaha ugu danbeeyay waxaa aad u kobcaayay tayada iyo waxbarashada iskuulada iyo xarumaha waxbarasho ee ka hawl gala degmada Baargaal iyadoo dugsiga sare ee maxamed xuseen ee Degmada Baargaal ay ardaydiisa qaar kamid ah ka soo muuqdeen kaalmaha sare ee imtixaanadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee Puntland ayana qaar kamid ahi haleen deeqo waxbarsho 













SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari 
Nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain