DEG DEG:- Rag hubeysan oo dil ka geystay magaalada Boosaaso

DEG DEG:- Rag hubeysan oo dil ka geystay magaalada Boosaaso October

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, rag hubeysan ayaa xaafad lagu magacaabo jiiro garoob waxa ay ku dileen nin ka mid ahaa dadka degaanka.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saciid Maxamed Maqadeeye, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoog u ahaa dhacdadan.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa iskaashatada gaadiidka Dadweynaha ee ka dhex shaqeeya xaafadaha Boosaaso.

Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka maamulka Puntland.

Saraakiisha ciidamada ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan baaritaan ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii dilka geystay.

Developed by Jago Desain