#Imaaraadka oo #Soomaaliya kusoo daabulaya hub laga keenay #Serbia iyo #Croatia

Imaaraadka oo Soomaaliya kusoo daabulaya hub laga keenay Serbia iyo Croatia

Warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in Imaaraadka Carabta ay si buuxda u jebinayaan xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.

Warbixintan oo QM ay soo bandhigi doonto bisha November, ayaa waxaa qeyb ka mid ah arkay taleefishinka Al-Jazeera, oo ku warramay inay ku jireen xadgudubyo waa weyn oo Imaaraadka Carabta ay ku hayaan madax-bannaanida Soomaaliya.

Waxyaabaha warbixinta ku qoran ee Al-Jazeera ay sheegtay ayaa waxaa ka mid ah in Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya kusoo daabulayaan hub sharci-darro ah oo laga keenayo dalalka Serbia iyo Croatia ee bariga Yurub.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in saldhigga milatari ee Imaaraadka ka dhisayaan magaalada Berbera uu yahay mid sharci darro ah oo xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo xayiraadda hubka. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday saldhigaas, waxaase iska indha-tiray Imaaraadka oo la macaamilaya maamulka Somaliland ee caalamku aanu aqoonsaneyn.



Waxaa sidoo kale Imaaraadka ay ku eedeysay warbixinta, inay maal-gelinayaan kooxda Al-Shabaab ayaga oo iibsanaya dhuxusha Soomaaliya, oo Al-Shabaab ay ka hesho lacag badan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsiga dhuxusha uu yahay mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan kooxda al-Shabaab, lagana soo xareeyo lacag dhan 7.5 milyan oo dollar, oo laga sameeyo baadda laga qaado baabuurta xamuulka ee dhuxusha sidda.

“Dhammaan ficilladan waxay Shabaab usoo xareeyeen dhaqaale ay kusii wadi karto dagaalka” ayey tiri warbixinta kooxda UN Monitoring.
Developed by Jago Desain