Magaalada Baargaal

1.     Gogoldhig:
Baargaal oo ah magaalo wax badan oo xiiso leh laga xusi karo, ayaa qoraalkani wuxuu soo bandhigayaa taariikhdeedi soo jireenka ahayd, horumarka wanaagsan ee hadda ka socda, qaabka mowqiceeda juquraafi ee muhimka ah iyo nooca bulshada ku dhaqan. Waxaad sidoo kale halkan kaga bogan doontaa sawiro badan oo muujinaya muuqaalka dhabta ah ee magaalada, kheyraadkeeda, taariikhdeeda iyo xogo kale oo lifaaq ah.

2.     Taariikhda wanaagsan ee ay Magaaladu leedahay:

 inta laga taariikheeyo Baargaal waxay magaalo ahayd 250 sano (laba qarni iyo bar). Waxaana suurtagal ah inay mudadaas ka hor magaalo ahayd. Jiritaankaas dheer ee magaaladu leedahay waxaa ku dahaaran taariikh dahabi ah oo gobolku ku naaloodo.
Muddo nus qarni ka badan (1870-1924) waxay xarun u ahayd guddoonkii dhaqan ee dadka gobolada woqooyi bari lahaayeen. Taasoo derejada dadnimo ee dadka gobolka sare u qaadaysa marka loo eego badanka dadyowgii soomaaliyeed ee waqtigaas warmoolayda aan kala danbaynta lahayn ahaa.
Baargaal waxaa gumaystihii ka hor ka hanaqaaday ganacsi wadanka gudihiisa ah iyo mid caalami ah. Macaamiilkii ganacsi ee ka dhexeeyey magaalooyinka soomaaliyeed ee fara-ku-tiris-ka ah iyo ummadaha ay ka mid yihiin Carabta, Hindida iyo Sawaaxiliga ee waqtigaaas ayay Baargaal waxay ka qaadatay qayb libaax.  Culuumta badda iyo farsamadeeda ayaa dadka magaaladu xiligaas ku horumareen. Waxaa arrin lagu faano ah in doonyo samayskooda reer Baargaal hindiseen, oo ay aaladdii laga sameeyey dhulkooda kala soo baxeen, oo ay xeebta magaalada ku dhiseen, inay badda dhigaan oo ugu gooshaan magaalooyin ay ka mid yihiin Cadan, Mukula, Basra, Mombasa, Daarasalaam, Zinjibar iyo Bombay.

Waxaa Baargaal taariikh ahaan lagu ammaana inay lahaan jirtay culumo diinta islaamka buuniyaal ku ahayd. Kuwaasoo meelo fog-fog looga soo tacjiili jiray. Waxaa xusid mudan inta badan culimadaasi inay fadhi rasmi ah magaaladu u ahayd waqtiyadii gumaystaha iyo ka horba. Taasoo ka duwan alabkii culumadii soomaaliyeed ee weeqaaran jiray hadba sabadii u samaata. Waxaana lagu liibaanay baristii, xukunkii iyo wacdigii diinta islaamka ee culimadaas.

Baargaal waxay safka hore kaga jirtaa meelaha dagaalada gumaysi-diidka ahi ka dheceen, Dhammaadkii 1924kii ilaa 1925kii. Dagaaladaas oo ka dhan ahaa gumaystihii Talyaaniga waxaa loo huray naf iyo maal tiro badan. Masaafadii iyo dhismihii ay Baargaal ku fadhiday mudadaasna gebi ahaanba waa burburtay, iyadoo aasaarteedii hadda loo xusuus tago.
Waqtiyadii gobonimo doonka, Baargaal waxay ahayd xarun wayn oo xisbiga Leegadu lahaa (SYL). Dadka reer Baargaalna dhammaantood waxay ahaayeen xubno xisbiga ka tirsan oo u dagaalamayey gobanimada Somaliya.

Xiligii daakhiliga iyo midkii dawladihii rayidka ahaa Baargaal waxay ahayd degmo-ku-xigeen (sub-district) leh maamul dawlad hoose oo la doorto, saldhig booliis, maxkamad iyo xafiis canshuur qaadid dhexe (custom office) kuwaasoo si buuxda u shaqaynayey.
Baargaal waxay aqoonsiga degmanimo heshay dhammaadkii 1980aadkii, iyadoo isku mar la wada magacaabay degmooyinka Xaafuun, Ufayn, Rako iyo Waaciye. Qoraalkan waxaa ku lifaaqan wareegto ka soo baxday wasaaradii arrimaha gudaha ee Soomaaliya, taariikhdu markii ay ahayd 25/07/1990, oo loola jeeday in lagu dardargeliyo hawlaha degmooyin dhowr ah oo Baargaal ka mid tahay kuwaasoo waqtigaas ka hor la abuuray.
Taariikhdan oo si guud mar ah aan hadda u sheegayno waa mid qaadaa-dhigeedu u baahan yahay qoraal intaa ka badan, horayna wax badan looga qoray. Waxaa la aaminsanyahay waqtiyadii dawladii dhexe qoraysay taariikhda wadanka,sida gobonimo u dirirkii iyo ilbaxnimadii ummada soomaaliyeed, in taariikhda Baargaal iyo sare u qaadida maqaamkeeda siyaasadeed la gacantogaaleeyey.


3.     Horumarka hadda ka jira Magaalada:

magaalada Baargaal waxaa ka jira horumar ka wanaagsan midka deegaanada kale ee la deriska ah. Mudadii burburka qaran lagu jiray, Baargaal waxay ka mid noqotay magaalooyinka Puntland ee bulsho ahaan u cammirmay. Dadkii qaxa koonfureed ka soo nabad-noqday, ee awalkii hore asalkoodu ahaa magaalada, ayaa in badan oo ka mid ahi si rasmi ah u degtay. Sidoo kale, jiilalkii zoonaha u dhashay ee hanaqaaday mudadii burburka ahayd ayaa ku negaaday magaalada iyagoo dugsanaya fursado nololeed oo ka maqan deegaanada xeebaha ah ee Baargaal la deriska ah. Dhanka kale, waxay Baargaal saami ka heshay dadyowga Puntland ku soo baracakay ee soomaalida ah iyo kuwa qaaxooti ahaan u soo galay ee qowmiyadaha dalalka deriska ah, kuwaasoo soo-dhowaynta, amniga iyo fursadaha shaqo ee magaaladu soo jiiteen. Arrimahaasi waxay Baargaal ka dhigeen magaalada ugu dadka badan gobolka Bari marka laga reebo Bosaso.
Cammirnaanta dadka ee magaaladu nasiibka u yeelatay waxaa barbar socda horumar xagga nolosha ah. Waxaa abuurmay xoogag shaqo oo wax-soosaarka u badan dhinaca badda si wanaagsan uga miro dhaliyey. Dhaqdhaqaaqa ganacsi maxalli ah, mid gobol iyo mid caalami ah ayaa si fiican loo dareemay. Waxay magaaladu soo jiidatay  hirgelinta adeegyo gaar looleeyahay oo nolosha magaalada wax ka taray; sida: Isgaarsiinta, Xawaaladaha, Korontada, goobo caafimaad iyo goobo waxbarasho.

Sidoo kale, waxyaabaha dadka ka dhexeeya ayaa si xilkasnimo leh reer Baargaal uga shaqaysiiyeen oo aan marna hawl gab noqon. Meelahaas waxaa ka mid ah Iskuulkii dawladda, Biyo-gelinta iyo MCH-ka.

Arrinta kale ee Baargaal kaga duwan tahay inta badan degmooyinka ka baxsan wadada laamiga ah waxa weeye in Baargaal uu ka shaqeeyo nidaamka dawladda. Waxaa si dhab ah u shaqeeya xafiisyada dawladda hoose, maxkamadda degmada, saldhiga booliska iyo laamaha canshuur qaadista.

Baargaal hadda waxay noqotay mid ka mid ah sadexda xarumood ee ay deganyihiin ciidamada badaha ee Puntland, kuwaasoo ah ciidamo si gaar ah u nidaamsan una qalabaysan, ka dib markii baahida la dagaalanka burcad badeedu arrintaas khasabtay.
Sanadka 2012ka wuxuu ka mid noqonayaa sanadihii Baargaal ugu nasiibka badnayd waxaana ka socda mashaariic horumarineed oo baaxad leh. Kuwaas oo shaqadoodu socoto. Barnaamijka mareykanku ku deeqay ee Tiss Programme ayay magaaladu waxay ka heshay qayb fiican. Waxaa ka mid ah mashaariicdaas dhisme cusub oo loo samaynayo dawlada hoose, dhisme cusub oo loogu talagalay dugsiga sare, dhismayaal kale oo muhim ah, wadada wayn ee magaalada iyo Bosaso isku xirta oo hagaajin lagu wado, iyo qaybta kaluumaysiga oo mashruuca saami wayn ka heshay.

4.     Qaabka Dhuleed ee goobta magaaladu ku taal:

 Baargaal waxay ku taal xeebta badwaynta Hindiya. Waxayna dhacdaa dhigaha cabirkoodu yahay 11°17′00″N 51°05′00″E. Iyadoo Rasi-casayr ka xigta dhinaca koonfureen, qiyaas ahaan 60mile oo badda ah.
Meesha ay ku taal waa dhul siman oo banaan ah kaasoo isu furan ilaa masaafo ka badan 250km2.
Carrada dhuleed ee zoonaha magaaladu ku taal waa dal-san ku haboon xoola-daaqeenka, beerista kheyraadka beeraha ee kala gedisan iyo dhiraynta loola jeedo bilicda iyo dhowrista deegaanka. Waxay magaaladu hodon ku tahay biyaha. Aagga ay ku taal waxaa inta badan biyo macaan oo mug leh lagu gaaraa 5m oo keliya.

Cimilada magaaladu waa dhex-dhexaad aan qabow iyo kulayl midna u badnayn 12ka biloodba. Inta badan waa 30°(Celsius). Waxay taas la wadaagtaa deegaanada Puntland ee ku yaala badwaynta Hindiya. Waa cimilo ku haboon nolosha oo negaanshaha deegaanka khasbaysa.

Baargaal waxay ku dhextaal labada raasi (Raasi-casayr iyo Raasi binna). Daraasado khayraadka badda la xiriira oo la sameeyey waxay sheegeen in Shelf-qaaradeedka aagga Baargaal uu yahay 70km, oo ah meelaha ugu balaaran shelf-qaaradeedka Soomaaliya. Halkaas oo khubarada caalamku xaqiijiyeen inay tahay mid ka mid ah 5 deegaan ee badaha caalamka ugu kaluunka badan iyo waliba marinada ugu badan ee kaluunka hayaama. Sidoo kale, waxaa la sheegaa in khayraad badan oo kale aagga ku kaydsan yahay. Waxaa xusid mudan in khooriga Binna laga helo cusbo dabiici ah oo aad u baaxad wayn.
Kheyraadka kale ee Baargaal waxaa ka mid ah Xijiga, beeraha Timirta, khudaarta iyo xoolaha nool. Dhammaan qaybahaas dhaqaale waa laga shaqeeyaa; waxaana ku socda horumarin.

5.     Qaabka bulshada ku nool magaalada:

dadka reer Baargaal waa bulsho furan ( dabci ahaan furfuran), oo soo dhowayn leh; kuwaasoo leh dhaqan salka ku haya ilbaxnimo soo jireen ah. Waa dad falgalkooda bulsho wanaagsan yahay, oo takoorida iyo hayb sooca aan caadi ahaan aqoon; waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin dad dulqaad leh.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in bulshada reer Baargaal, intooda badan, ay yihiin kuwo aqoontooda, wacyigooda iyo garashadoodu aad u wanaagsan yihiin. Waxaa lagu yaqaanaa dad martigelin kara dadyow kala gedisan, waana sababta keentay in magaaladu bulsho ahaan korto ayna soo jiidato taageerada iyo maalgelinta ganacsi, bini-aadamnimo iyo dawladeed.



























Diyaarinta waxaa iska kaashaday:

Eng. Xareed Saalax Cadaawe
Maxamed Ibraahim Indhataag