Waxaan qaybtan Ugu Tala Galnay Inaan Ku ururinyo , kuna soo gudbino Suugaanta Faraha Badan ee Abwaanada ka soo jeeda Degaanada Calbari
Waxaa jira gabayo iyo Maansooyin badan oo aad dhegaysato lakiin aadan aqoon Abwaanka Curiyay , waxaan Qaybtan ku raad raacaynaa abwaanadii hore iyo suugaantoodii si aan uga ilaalino in cid kale Sheegato
Waxaan ka codsanaynaa cidii wax ku soo Kordhin karta Qaybtan Inay nagala soo xiriirto Email:webmaster@baargaal.net
Waxaa jira gabayo iyo Maansooyin badan oo aad dhegaysato lakiin aadan aqoon Abwaanka Curiyay , waxaan Qaybtan ku raad raacaynaa abwaanadii hore iyo suugaantoodii si aan uga ilaalino in cid kale Sheegato
Waxaan ka codsanaynaa cidii wax ku soo Kordhin karta Qaybtan Inay nagala soo xiriirto Email:webmaster@baargaal.net
Abwaan Abshir Maxamud (Xiniinya Cade )
Dhexmar Gabaygu waa leeyahe aan dhabaha raacsho
Dhanka Gurical Dheefo iyo casayr Dhaadhaayada Fooge
Dunida Dhamaanteed Abaar Lala Dhawaaqaayo
Dhidig iyo labood xoolaha lagu dhibtoodaaye
Naga Sug Gabaygoo Dhamaystiran
Abwaan Idriis Saalax Bari iyo Gabaygii DARDAARAN
Eegiyo ayaantii dagmadan baxay iftiinkeedu
Umad wada jirtiyo waxa dagnaa duul is aaminaye
Akhlaaq xumada boob kiyo dhacuna kama abuurayne
Waa meel islamnimada guud lagu ilaahsaaye
Waa meel is qaadqaadka iyo kirib la aasaaye
Waa meel an axad loola tagin ab iyo laan sheege
Waa meel agoontiyo miskiin loo asxaan falo e
Waa meel la intitaabiyaa kii itaal darane
Waa meel intii ehel ah iyo xidid la eegaayee
Waa meel bad lagu aaminiyo buur udgoon badane
Waa meel anwaacdii kaluun la akalaayaaye
Waa meel nin iyo aaladii lagu adeegtaaye
Waa meel iliilaha biyuhu oogo marayaane
Waa meel dhir ubax saaran yahay doog ku aragtaaye
Waa meel ugaartii indhuhu ku istareexaane
Waa meel astaan looga dhigay iibka maydiga e
Waa meel irmaan geella iyo ari la maalaaye
Waa meel anfaco saad rabtoba uga helaysaaye
Waa meel awow iyo awow laga asaasnaaye
Waa meel la wada ooli jiray isiradeeniiye
Waa meel abtiris loogu iman dir iyo daaroode
Aqal lagu nastaa weeye iyo meel amaan badane
Waa meel uluuf iyo uluuf laga irsaaqaaye
Waa meel ayaan badan hadaan lays inkirihayne.
Naga Sug Gabaygoo Dhamaystiran
RSS Feed
Twitter

