"Gaw, Waar waaxay dee?

Nin ayaa shaqo loogu badalay Woqooyi, Maalin maalmaha ka mid ah ayuu galay Masaajid Hargaysa ku yaalay, maadaama uu ka soo dib dhacay jamaacadii ayuu keligii iska xirtay. Xogaa kadib ayuu gadaashiisa ka maqlay "Usalii, Usaliii..Faradal...."

Wuxuu dareemay in lagu soo daba xirtay faataxadii ayuu dabadeed kor u qaaday markuu dhammeeyay halkii uu ka filayay AAMIIN ayaa mid raggii kamid ah ku yiri kuwii kale "Car waa ninkii Ju' yiraahda mahadday JADHIIDH-NA noo keeneen oo yiraahdeen iimaan noqo".

Ninkii odayga ahaa makuu intaa maqlay ayuu khalkhalay, naxdin darteed markii
uu faataxadii dhameeyay halkii laga rabay in uu suurad ku xijiyo, ayuu Ataxiyaatkii dabada u qabtay. Qoladii mid ka mid ah ayaa haddana yiri "Gaw, Waar waaxay dee? wixii Walla-weyn kaa keenay *&^%, markaad fariisato maxaad akhrini?".

Labo nin oo saaxiibo ah, mid reer Waqooyi, kan kale reer Xamar

Labo nin oo saaxiibo ah, mid reer Waqooyi, kan kale reer Xamar ayaa isla shaqeyn jiray...Maalintii dambe kii reer Waqooyiga ahaa ayaa Xamar laga badalay shaqadiisa oo Hargeysa loo badalay...Dhowr sano kadib ayuu reer Waqooyigii kusoo noqday Xamar...Wuxuu soo booqday saxiibkii oo xaas yeeshay, cunug yarna loo dhalay...Iyagoo iska sheekeysanaayo oo meel taagan ayaa cunugtii kii reer Xamarka dhalay oo gurguuraneysa meesha soo martay...Markaasuu kii reer Waqooyiga yiri "Waar Axmadoow, waa tuma?"...Kii reer Xamarkii intuu xanaaqay, uu baakoor uuku tiirsanaa soo qabsaday uu yiri "waa tumee ma'ahinee, ana baakoortaan aan kugu jajabinaa"...

Developed by Jago Desain