Heeso Qoraal Ah

In badan oo kamid ah dadka xiiseeya fanka iyo suugaanta , ayaan jecleen in ay dhagaystaan heesaha iyo musiga oo mar uu jeclaan lahaa in ay arkaan ama helaan qoraal , heesahaas ah

halkaan waxaan idinku soo gudbinaynaa heeso caan ah oo bulshada dhexdeeda aad loo hadal hayo ama loo dhagaysto , ayagoo qoraal ah, ama mirihii heesaha intaan laxan la saarin


Kinsi X Adan

Dhiigiyo kalgacalkii
ee xidida dhamaystira
afka lagama dhawree
ma ogtahay dharaarahan
markan dhaban u seexdaba
inaan kugu dhadhabayoo
dhabteyda kaa dayoo
hadii aad dhab doon tahay
amba kuguma dhaafeen
hawlaha dhankeygee
dhinacaaga ila qabo

Siciid M Xaydar

Walaw dheylo aad tahay
ee hadana dhaqankiyo
dhaqashada ku wacan tahay
dharaar aragti ma ogtahay
caashaqan wax dheereen
dhedo roob la moodo
dhalanteed inuu yahay
jacayl kii dhawaan gala
dhaxal lagama gaadhee
horta dhab kaa yahay
waa inaan dhudhumiyaa

Labadooda


Imika dhudhumiyooo
miyaan soo dhawaadaa
awalba igama dheereyn
dhabta miyaan ku saaraa
dhibtan kula nacayaa
bal hadaba dhalaan sidii
dhabarkaaga igu qaad
dhenged waan ka fududee


Kinsi X Adan

Dhugmadiisu ruuxey
ee u dhantahay
ayuun buu dhibayaa
xishoodkuye
ma ogtahay dhigeyow
dhamanaanka awgaa
dariiqyada suuqyada
dhar la'aan inaan maroo
hadii aad dhab doon tahay
amba kuguma dhaafeen
hawlaha dhankeygee
dhinacaaga ila qabo

Siciid M Xaydar


Qoton dheer qoyaaniyo
ee dhex qotoma xareediyo
dhabi baxay la moodyeey
ma ogtahay dhaqsiinyuhu
hadii lacag dhalayaan
kaadsiiyuhu ma dhiciyee
dahab baan ka dhuran laa
jacayl kii dhawaan gala
dhaxal lagama gaadhee
horta dhab kaa yahay
waa inaan dhudhumiyaa

Labadooda

Imika dhudhumiyooo
miyaan soo dhawaadaa
awalba igama dheereyn
dhabta miyaan ku saaraa
dhibtan kula nacayaa
bal hadaba dhalaan sidii
dhabarkaaga igu qaad
dhenged waan ka fududee


Taar-Lafoole
Heeso Qoraal Ah - Heeso Qoraal Ah

Lafoole

Dumarkaba Aduunbaa
iigu dhaga nuglaayoo
aan soo dhaweeyee

Dhaawicii horeen qabey
waxad tahey dhakhtaradii
mudo iga dhayeeysoo
waad i dhiiri galisee

Hadii aad dhaqaaqdood
inaad dhoofto jeceshahey
gaadhigaa dhakhsanayee
kusidaa ma dheeliyo
uma seexdo dhinacyada

Ilaahey dhantaalkiyo
kuma tuso dhibaatoo
ayaan dhalad nasiibliyo
mid hoodale hakaa dhigo

Adaa dheeman iyo luul
iyo dhagaxa dahabka ah
qiimiga wax dheeroo

Adigaa dhir ubax
iyo dhool aroor da'ay
dhul xareedi wadhantahey
uga dhigan nafteeydee

Haduu taarku soo dhacey
dhawaan soo bax kugu yidhi
dharaar qudha aduunyada
hanti aad ku dhaqatiyo
ha ka waayin dharagoo

Ilaahey dhantaalkiyo
kuma tuso dhibaatoo
ayaan dhalad nasiibliyo
mid hoodale hakaa dhigo

Jacayl kala awood weyne
kii iilka dhigay qays
laylana ag seexshaa
ana igu abuurmoo
oogaduu ku faafoo
diiday inaan adkaysto
iikaa asqeyoo igu kaa
eryaayee ogow naftaa
kuu ooman adigeee hee
imisaa adoo kale arji
ila timadoo oofin maayo
aan idhi awadaa uu joojee
wadnahay i ololeyee ii dhigo
abaalo arintayda meel mari

Axdi been lama galoo
wacad lama ilaawoo
ruuxii ku aaminaa
lagama indhasaabtee
afar sano iyo dheraad
arimahaan dhisaynee
aan is idhi idlaadeee
wadiigii firdheeyee
ogow naftaa kuu
ooman adigee imisaa
adoo kale arji ila timidoo
oofin maayo aan idhi
awadaa u joojee
wadnahay i ololeyee ii dhigo
abaalo arintayda meel mari

Ma ogtahay aduunyada
rabi inuu ku uumaay
hablo kaa asluub wacan
ee kaa ilwaad qurux
ama aynigaadaa ana
aanan ka oodneyn
waadigan i agmaraye
sidaan ahayba eegine
ogow naftaa kuu
ooman adigee imisaa
adoo kale arji ila timidoo
oofin maayo aan idhi
awadaa u joojee
wadnahay i ololeyee ii dhigo
abaalo arintayda meel mari


Ilkaha u eg daruurtee
ciridkaaga duxulka aa
mawluhu ku daahiyo
Debnaha duxusha moodee
mar mar dib uga faydiyo
Sanqaroorka soo degay
Indha deeraleeyeey
Daymada xishoodka
Markad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
oo layga darayaa
Indho deeraleeyeey
Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu masaalyeey
Da'da tii todaba toban
Guga loogu darayeey
Indha deeraleeyeey
Dib timaha u dhacayiyo
Dilimaaha dhabarkiyo
Sida dixida xaada
Dayrwaa ?? qaadkiyo
Suniyaasha duuda ah
Camaan doombir laayee
Daymada xishoodka
Markad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
oo layga darayaa
Indho deeraleeyeey
Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu masaaleey
Da'da tii todaba toban
Guga loogu darayeey
Indha deeraleeyeey
Marka socdka dhamacdee
Degenida talaabada
Miisaanka lagu daro
Laafyaha la daawado
Dadku waxay yidhaahdaan
May daarin ciidee
Da'uus la moodyeey
Daymada xishoodka
Markad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
oo layga darayaa
Indho deeraleeyeey
Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu masaaleey
Da'da tii todaba toban
Guga loogu darayeey
Indha deeraleeyeey

Ma salguuro caashaqee
ani sibiq ma igu galay
Intuu samada ila tageey
saxar-qaadka fooraha
dul sabee ma igu yidhi
dhalanteed ma igu sabay
soojeede maqanoon
seexaneeyn ma iga dhigay
Baydka LabbaadMa salguuro caashaqee
ani sahal ma igu helay
sambabadiyo feedhaha
intuu surima kala baxay
maku soofay xididada
seediyo lafahiyo
wadnihii ma sarayoo
halistii ma sudhan yahay
Baydka SaddexaadMa salguuro caashaquye
ani sidiq ma ii dhigay
Intuu soortii iga jaray
suun adag ma igu xidhay
ma isaaray heegada
wax sanceeya mawloo
saakay maygu wayn yahay
suxuladaa ma ii dhigay


badniddaa habeenyoow
baryi waaba waagii
maxaan xalay baraarugay
intuu igu balaadhuu
beerkiyo calooshiyo
wadne baalihiisii
beer wayn ka jeexoo
waxaan haatan uga baqan
boga inuu wareemeebarkhad cas kaynu baraniyo
boodhari sidiisii
intaanlay bud dhigin
wali ma iga baananaysa
baydka labaadbaalalayda duushaan
boostiyo waraaqaha
boqol jeer u dhiiboo
waxaan baalka ugu qoray
kala baadnay baadnoo
kala beela beela noqonayee
barinayee ma barideen
waxay tidhi balaayiyo
baas maanu sheegine
maxaa adiga kugu ba'an
waxaan idhi bas baan ahay
birtu ay dultaalee
barkhad cas kaynu baraniyo
boodhari sidiisii
intaanlay bud dhigin
maiga baananaysaa



Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii degan dhulkii hooyo
Nin dhergiyo nin dhowr qaday
Aan dheef hayn
Dhedig iyo laboodba
Hawli kama dhamaatee
Qof walibaa wixii dhibay
Dhafoorkay ku taalaa
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Anba kuguma dhaafeen
Haday taadu dheelido eh
Maxaa dhacay dhankaagay
Ka jiiftaa dhaliishuye
Ma dhiirado nimaan garab
Wax lagula dhisaynine
Nafta dhool hilaaciyo
Dhibic baa u muuqdee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Jacaylkeediii dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacaye
Dhulkoo doog dhir iyo ubax
Dhamaan hadheeyeen
Dhawristeeda oo qudha
Ayaan dhawr ku qadayaa
Wali dhaban mid kula mida
Kama dhalanin adduunkee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa



Cashaqana Dadihi-Samatar &Sahra

Caashaqana Daadihi Weligaa Hasiidayn By codkii Xassan Adan Samatar iyo Sahra Axmed

Dawadii nafteydow bal aan kula dar-daarme
Nabada aan ku leeyahay ku daabaco qalbiga oo
Weligaa hasii dayn, duushayey allow nabadey
Qoraxduna dalaalnimo
Caashaqana daadihi weligaa hasiideyn

Darmaantan jeclaayey bal aan kula dar-daarme
Dantu wadajir weeye docdaada yeyka baylihin anna teyda igu daa
Dunidoo barwaaqo ah, dalka nabad kusii joog
Caashaqana daadihi weligaa hasiideyn

Dayixii iftiimow bal aan kula dar-daarme
Dumarka adookale taa hesha madeysee dooqaaga ka adkow
Duushayey allow nabadey
Qoraxduna dalaalnimo
Caashaqana daadihi weligaa hasiidayn

Daymada urooney bal aan kula dar-daarme
Kuwa loogu dowgalay labadii is doorte
Kala dila dadka is jecel
Ayaaney isku keen dirine
Dalka nabad kusii joog
Caashaqana daadihi weligaa hasiidayn


Si aad u heshid miraha macaan kuwoodii ugu danbeeyay ku soo biir halkan hoose
Developed by Jago Desain