Dumarka

Dumarka Ayaa waxey kuleeyiihin samey Balaaran Bulshada dhex Deeda iyagoo ah laf dhabarta Bulsha Taasna waxey sababtey maraar badan ineyka hadlaan abwaanin iyo kuwa wax qora oo dhan taas oo ay igu wacantahey iney yihiin muhiimiyad aduunkan aan kunoolahey .

Hadii aan Kahadlo Dumarku wax Cay ah Horta ma balahan waayo waa ku dhashey waa kula dhalatey waa ku dhaxeysaa Caydu halkey uga imaanba laakin waxaan waxka sheegayaa dumarka Siyaabaha ay Somalidu uga Faalloto ama ay u jecel yihiin iney noqoto Gabarta markaas nin rabo waa sidanspan class="fullpost">

NAAGAHA DOORASHADA LEH WAA

Naag uusan doorsoomin fikirkeeda
Naag aan su'aalin xagee jirtay
Naag haddii la'aamino aan ku qiyaanin
Naag aan daneyneynin iney xirato dhar aan qaali aheyn
Naag aadan shareysaneynin haddii wajigeeda la hor istaago
Naag haddii ay ooydo aanu qalbigu ku dilaaceyn hadii ay qososho qalbnigu caayeyn
Naag aanan ka fekerin ninkeeda oo kaliya
SOOMAALIDA IYO QURUXDA
Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo). Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:-
- Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.
- Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.
- Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.
Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.
-Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.
- Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).
- Labay u shuban tahay: labada dhaban.
- Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.
- Hal ay u qoran tahay: waa sanka.Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.
Dumar Waa indha ha Ragga
Somalida oo kaliyah kama faalllooto Dumarka Carabtuna waxey Tiraahdaa Sidatan

CARABTA IYO QURUXDA
Soomaalida oo keliya ma aha, ee carabta lafteedu waxay tiraahdaa: (Naag wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn). Afarreydiina waa sidatan:-
- Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo midabka.
- Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.
- Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.
- Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.
- Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha wiilkooda iyo baararkooda.
- Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.
- Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo kubabka.
- Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.
- Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka iyo calaacullada.
- Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.
Developed by Jago Desain