Maxaad ka taqaan taariikhdii faneed al-Fanaan Cabdi Cali Bacalwaan?

Fanaaniinta Soomaaliyeed iyo mu;alifiintaba waxy soo mareen waayo faneed oo la Xasuusan karo xili uu tiyaatarka qaranka ahaa midka ugu caansan kan geeska afrika oo lagu xusuust, hablaha, Marxuumad Magool, Saynab Xaaji Cali (siigaale), qadro daahir cige, Hibo Nuuro, Sahro axmed jaamac, saado cali warsame, qadiijo foodeey Nuur, dhinaca wilasha Xasan Aadan Samatar, Salaad Maxamed shardi, Saalax qaasim Naaji, Cumar dhuule Cali, axmed cali cigaal, Cabdi tahliil warsame, C/kariin faarax dhabarloow, Rooraaye, iyo kuwo kale.

balse waxaa haatan dhibaato ah in uusan jirin hada keydkii ama aarkiifii la leeyahay ruwaayad Hebel halaga soo baxsho haday ahaan lahayd dhinaca Codka, Muuqaalka, iyo qoraalkaba.



Waxaa bogan marti inoogu ah alfanaan Cabdi Cali Bacalwaan oo ahaa mid ka mid ah Fanaaniintii kooxda Hooyda fanka Soomaaliyeed ee waabari in mudo ahna ku soo jiray fanka Soomaliyeed waxa uu hobolku qaadaa heeso macaan oo dabacsan iyo kuwo wadani ah oo aan kala dhicin.

Fanaanku waxa uu ka qeyb galay ruwaayado badan laguna soo bandhigay tiyaatarkii qaranka oo haatan u muuqda meel ay u soo sheeko tagaan fanaaniinta oo ay isku wareestaan kuwa cusub iyo kuwa haatan howl-gabka ahba .

Waxaa lagu Xusuustaa doorkii uu ka qaatay ruwaayadii qabrigii jacaylka ama

(GRATE-LOVE) isaga oo matalayay Saalad Maxamed Shardi oo lagu xiray dalka Sacuudiga mar loogu rogaal celinayay dadka reer Muqdisho isla ruwaayadaasi waxa uuna si talan taali ah ula qaadayay Saynab cige.

Bacalwaan heesaha wadaniga ah ee uu qaado waxaa ka mid ah nin xilqaaday eed qaadyay howlaha arlada hadii laguugu aamino umada ushaqeeyiyo adeegaa lagaa dhigo ha is oran cidi kuma arkeeysee ina adeerso ha is oran cidi kuma arkaysee aqalo jeexo, waxaana la saari jiray heestaan marka la magacaabayo xilal sare ee dowladii kacaanka oo lagu tilmaami jiray in ay barakaysnayd,

Haku dheelin midab Gumaysi diid ah, waxaa ka mid ah heesaha uu qaado fanaanka adigoon Tacliin dhigan caashaqaan ku dhaawacay waxa uu ka dhigan yahay dhabarweyne jiilaal dadka oon la dholan Dholay waa loo Dhugmaystaa Dhabadaad Maraysoo aad ku Dheelmanayso ha ku dhiiran jacayl ha u dhagtaagin Hooyaa. waana Hees ka hadlayso dhinaca wax Barashada iyo jacaylka in aan la isla wadi Karin.

Waxaan ka xusi karaa heeshaha jacaylka ee uu qaado heesaha uu la qaadi jiray fanaanada Caanka ah Sahro axmed Jaamac waxaana ka mid ah laqanyada jacaylka, Nabadgalyo, wadaryahay, faraskaagii laga badi, iyo barsho,

Ugu danbayntii fanaanka waxa uu markii iigu danbaysay ku noolaa dalka aanu dariska nahay ee Nairobi waxaana fanaaniintii ay halkaasi ay wada joogeen ka mid ahaa Siraad Cabdule ugaas, Fanaanadii caanka ahayd Qadiijo foodeey Nuur oo lagu Xusuusto beerkaan u seexdaba barbarada maqabanaayee heehaa heehaa anigoo bur burayoo dhinacyadu I barareen waagu ii baryaayee, iyo mid ka mid ah fanaaniinta haatan soo shaac baxday kaskey.
Developed by Jago Desain