Posts

Gabaygi an katiriyay marki ay balaabatay mashaqada kadhacday somaaliya waxan rabay In an kuwaaniyoh ummada somaalida in amuurta Caqli iyo dadnimo wax lagaga qabto Waayo talo daaman laqabtay leedahaye Dabo laqabto male .

Sayid moxamedow gabay adigaa saayid ku ahaaye
Adigaa silsilad iyo kuxiray suunbiroo adage
Marseh hadii an seeraha kafuray waa sawirayaaye
Waxa kan beledka somaal kadhacay waa samuudnimo’e
Saadada lalaayeyo duqay seefta lagu jiido

Sifaha dhaqanka iyo diintiyoo laga salguuraayo
Sowjadaha dhoofaaya iyo dumarkan sooyaamay
Sirqo iyo caruur iyo haween saadki lagagooyay
Sinjibaar sidni iyo keneda iyo soofiya iyo rooma

Dadakan siliga lagu meeriyaye suuqa lagu iibsho
Hadanah soorta looqaybiyoo diinta lagasaaroh
Waa sabab ilaahay gartay iyo sam ay leedahayi
Marse hadii siyaasadu dhacdoo sharafku kaa suulo

Sumcadi adlahayd iyo hadii samanku kaaguuroh
Safka dawladnimo iyo hadii ad seegtoh magacaaga
Sanawaad hadii ad noqotoh oo dib usocdaalaysoh
Hadii ad saxal abaareed gashoo dhibi kusaamayso
Soof waxad lahayd iyo hadii ad maal kasaxariirto

Sabir eebahaa iyo xikmaa lagu sugnaadaaye
Hadiise laba saf lookala boxoo sararta laysgooyo
Sokaye iyo gacal iyo hadii an xidid lasooraynin
Suuqii lajoogoba hadii xuma la saafaayo
Salka loxodka iyo akhiraa loosumsumayaaye
Hadii ad sebiya wadaqawracdaan waa su’aal adage

Developed by Jago Desain