Posts

Walaalayaal Muwaadiniinta Puntland:

Anigoo ah Shahmaad Halwo, Gabar Somaliyeed kana soo jeeda Gobolka Puntland, aqoontaydu gaartey B.A. major Human Service haddana ku dhex jira diyaarinta Masters Degree (Clinical Social Work) Mental Health Care of the Somali children and their parents.. Waxaan caawa oo ey tariikhdu tahey 02/10/2008 si rasmi ah shaaca uga qaadayaa inaan ka qayb gali doono tartanka Doorashada Madax-waynanimada 2009 ee Goblka Puntland haddii rabi idmo.

Waxaa igu kalifay inaan ka qayb galo doorashadan xiligaan, oo ah "fursaddii Gabdhaha" iyadoo ay kaliftay in laga maarmi waayey xiligan isbadal bulsho, dhaqaale, ganacsi, sugidda nabadgalyada, xasiloonida,kobcinta horumarinta, iyo nagaashaha gobolka guud ahaan.

dadka gobolka maanta waxay u baahan yihiin isbedel maamul taas oo ka muuqta maanta kala daadsanaanta iyo maamul xumida ka jirta gobolka kaas oon daboolayn baahida shacabka puntland xag dhaqaale nabadgalyo caafimaad,waxaana la soo gaaray waqtigii isbedlka.

Sida ay xaqiiqdu tahay, anoo u bisil wax qabadka "isbadaleed" ha ahaato dhinaca aqoon ama bisayl siyaasadeed oo ku salaysan howlkarnimo, sinaan iyo daacadnimo waxaan ku kalsoonahay inaan howl wax ku ool ah ka geesan karo, si gaar ah arimaha soo socda

I- Sugidda Amniga iyo nabadgalyada Gobolka:.
a) Nabadgalyada amniga gudaha Gobolka.
b) Sugidda amninga xuduudaha Gobolka.

II- Sinaan iyo Cadaalada Bulshada:.

a) Sinaan dhaqaalle iyo Ganacsigaba ee dhamaan.
b) Ka qaybgalka dumarka dhismaha bulshada si buuxda.
c) Xubinnimada Gabdhaha golaha shacabka.
d) ka wada munaafacaysi dhammaan khayraadka Gobolka.
e) Kobcinta isgaarsiinta iyo alaada warbaahinta tv,radio,saxafada qoraalka
f) In la qoro ciidamo boolis ah oo suga fulinta sharciga.
g) Sugidda lacagta, suuqa iyo nolosha dan yarta.

III- Kobcinta Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Gobolka:.

a) Sahlida daraasad Geological/Geophisical & soo saaridda saliida Nugal/Dharoor.
b) U helid maal galiyayaal wax ku ool ah ee khayraadka Gobolka oo dhan.
c) Diyaarin heshiis wax qaybsi ee puntland iyo dowlada dhaxe ee fedaraalka
d) kobcin siyaasad u dan ah Gobolka ee Dhoofinta khayraadka Puntaland, sida:
Maydhiga, beeyada, Xoolaha, xargaha, dhagaxa, kaluunka, lafahaba iwl.
e) in si deg-deg ah loo gaarsiiyo Gobolka "favourable balance of payment"

IV- Kobacinta Siyaasadda:.

a) Abuurid xiriir iskaashi ee Gobolka iyo SFTG.
b) Abuurid xiiri adag ee Goboladda iyo haydaha Caalamiga oo dhan sida kuwa: Siyaasadda,Dhaqaallaha, Bulshadda, Ganacsiga, iskaashiga iyo Kuwa-aan-Dowliga ahayn.
c) Dhiiri gallinta Gobolka ka qayb galka kobcinta siyaasadeed ee Puntland.

V- Kobcinta Waxbarashada iyo Aqoonta Gobolka:.

a) Dhisitaan Dugsiyo waxbarasho ee heerarka kala duwan ee caruurta.
b) Sare u qaadid waxbarashada ilaa iyo heer jaamacadeed.


Runtii ma soo koobi karo baahidda dadka ku nool goboladda Puntland ey qabaan, hasa ahaatee waxay iila muuqataa inay muhiim tahay in xooga la saaro arimaha kor ku xusan oo dhan iyo kuwa kale oo fara badan oo aanan hadda ku soo wadda koobin qoraalkegan, balse aanu mustaqbilka dhow u sii gudbi doono haddii rabi idmo..


Waxaan dhammaan shacabka somaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa reer Puntland aan ka rabaa iney i garab istaagaan oo ey isla markaas ila diyaariyaan dhaqaalihii aan ku tartami lahaa mustaqbalka dhawo isha allah,


Mahadsanidiin
Shahmaad Halwo
email: puntland2009@hotmail.com

Murashaxa Madax-waynanimo

Goboladda Puntland
Developed by Jago Desain