Posts

Dannood Cabdillahi Muuse Cabdille Jiciir, (HY


Gabaygan soo socda waxaa Cabdillahi u tirshay ooridiisii oo intay colloobeen uu gogol dhaaf ku eedaynayo. Waa gabay Cabdullahi aan wanaag u tarin oo wixii uu suugaan lahaa gabaygaas uunbaa lagu xasuustaa. Dhaqankii hore ee Soomalida ka mid ma ahayn gabdhah oo la caayaa sidaas darteed baa Cabdullahi looga qaaday magtii gabadha uu aflagaadeeyey oo xaaskiisii ahayd loogana furay. Gogol dhaafka Cabdillahi sheegay shaki buu leeyahay waayo nin afadiisa loo daba maraa ma sheegsheegee ceebtiisuu qarsadaa. Cabdillahi wuxu ku talo galay inaan gabadha looga danbayn sidaan maqlayse waa la guursaday oo danabyo ayay dhashay.
Wuxu yidhi Cabdillahi Muuse Alla ha u naxariistee(Gabaygu ma dhamma

Caqligaa dabool laga geshaa duul hadduu lumo'e
Alla dooriyeey hadalku waa kaaga darayaaye
Dundumooyinkoo lala hadlaa damac ma yeeshaane
Dawo malaha naagtii xun ee diidda waanada'e
Doqontii ku yeeshaa wuxuun lagu dabiibaaye
Dawgii la marayaa dhexduu deri ku yeeshaaye
Dermadaan la laabini dhaqsay duug u noqotaaye
Duqsigaa ku dhaca xeedhadaan dabaqu saarrayne
Naag yahay Dannoodbaa u weyn harada Doolloode
Duunyada haddii lagu horoo saalo lagu daadsho
Iyaba waa diqowdaa haddaan la isu diideyne
Darka Caynabay kugu masleen derisadeenniiye
Sida doogsin roob kaaga dhereg doobka reeruhuye
Dirxilaha Madheedh waa Cas yahay daawashada guude
Dawliilka baas waxad ku hodi duul an ku aqoonne
Geelaa markuu dararan yahay laba nin duugtaaye
Wax kaloo la darandoorriyaa damac ma yeeshaane
Anigaan ku dirin waadigii damaca waalnaaye
Daydayo haddaan kuu fasaxay debed wareegiiye
Developed by Jago Desain