Dowladda Itoobiya oo Dib u dhigtay Xilligii ay Soomaaliya Ka Bixi Lahaayeen

Xukuumada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay aqbashay in mudo kooban hakiso qorsheheedii ku aadanaa inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, taasi oo lagu macneeyey in ay sugayaan inta ay beesha caalamka ka diyaarinayso ciidamo badala kuwa Itoobiyaanka
Sarkaal ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee wadanka Itoobiya oo codsadey inaan magaciisa la sheegin sababo uu ku macneeyey in aan loo ogeyn in uu la hadlo saxaafada ayaa wuxuu sheegay in Itoobiya ay go’aansatey inay dib u dhigto ama dib u riixdo qorshaheedii ay horey iskeed u gaartey inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Soomaaliya, kaasi oo ku ekaa 31-ka bishan December.

Sarkaalkan ayaa wuxuu sheegay in dib u dhigistan ay tahay mid kooban oo soconaysa todobaadyo wuxuuna sheegay in loo sameeyey qorshahan si ciidamada AMISOM ee badalaya kuwa Itoobiya ay u diyaar garoobaan isla markaana ay yimaadaan Soomaaliya.
Laakiin sarkaalkani wuxuu hoost ka xariiqay maamulayaasha siyaasada Itoobiya ay hada lumiyeen dulqaadkoodii ku aadanaa in beesha caalamka ay la taageerto dawlada KMG ah ee hada qarka u saran inay burburto, taasi oo ka dhigan inay badalaan maamul xagjiriin diimeed oo dhibaato ku keena reer Galbeedka,. Sida hadalka uu u dhigay sarkaalkani ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee diidey in magaciisa la xuso.
Itoobiya iyo wadamo kale oo dhaca Bariga Afrika kuna mideysan urur Goboleedka IGAD ayaa waxay shaaciyeen inay ka qaadeen jahwareer iyo madax wareer in hogaamiyeyaasha dawlada KMG ah ee Soomaaliya ay dhameeyaan isfaham waaga u dhaxeeya, taasi oo waxyeelo u gaysan karta deganaansha Geeska Afrika
Developed by Jago Desain