MARAYKANKA OO DOONAYA IN BURCAD-BADEEDDA SOOMAALIYA BERRIGA LAGULA DAGAALLAMO

Maraykanka ayaa golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay maanta ku qaybinayey qoraal qabyo ah oo uu Maraykanku ku doonayo in ay Golaha Amaanku isku racaan oo ansixiyaan. Qoraalka qabyada ah ayaa waxaa lagu doonayaa in Ciidamada Caalamiga ahu ay Burcad-Badeedda Soomaaliya kula dagaallamaan magaalooyinka iyo baaddiyaha ku yaalla berriga Soomaaliya.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda Maraykanka Condoleezza Rice ayaa la filayaa in ay toddobaadka soo socda tagto Golaha Ammaanka si ay Wasiirada kale ee Arrimaha Dibedda ugala hadasho arrimaha burcad-badeedda iyo kuwo kaleba.

Ergayga Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Alejandro D. Wolff ayaa isagu wuxuu yiri: "Iyadoo laga duulayo khatarta ay burcad-badeeddu ku hayso mushaaxidda caalamiga ah iyo weliba dawladda Soomaaliya, wax kasta oo taagteenna waannu qaban doonnaa, laakiin wax kasta oo tallaabo millitari ah waxaa la qaadi doonaa iyadoo ay dawladda Soomaaliya oggoshahay."
Developed by Jago Desain