Posts

Nabad ka talis

Waxa gabaygaan layiraahdaa (nabad katalis) waxan u jawaabayaa Nin tiriyay tix dagaal huris ah oo uu igu jawaabay mar aan weydiiyay Waxa kajirah gobolada puntiland wuxuu yi ri :

Doctor yahaw dalkeeni ragbaa duudsiyeedhacaye
nimanbaa ku doobaynayoo diiday nabadiiye
dekediiba nimanbaa rartay iyo dahabki oolaaye
dulqaadkeena iyo Waxay arkeen debecsanantaase
ma dagaalanaa Inirag waakii isdaafacahe
mase wayskadeynaa ilaah deeqdi baa badane

kaasu wuxuu ahaa tixdii dagaal huris oo uu tiriyay xaroowe caynab waxa soosocdah gabaygi jawaabta ahaa (nabad katalis )


dawa malaha gurigii dumah iyo qoomkii diriraaye
dukaamada camiran nuurka iyo layrka wada daaran
dekedaakan laga dhoofayiyo maalka soo degayah
waa deeq ilaah iyo fadli an deriska dhaanaaye
daafaha berbera iyo hadii aad xamar mar daymootoh
dooxada kismaayiyo markiyo tan iyo dayniile

naafada dufowdiyo agoon daasan baa tubane
waxa daasad lagu quudiyaa tan iyo dooloowe
degaankeeda nimankiilahaa dalag mabeertaane
daciif iyo miskiinbay noqdeen laga ducaystaaye
waxa loodamiray siday yihiin duulki nabi luude
hayeeshee, dareenbaygujiray taniyo dayrtiiye
duqay iyo ikhyaar bari jirtaan doodlagelayaaye
fariinbaan udirayaa war aan daabacee qoraye
daalaan usii saarayaa duciyo aamiine

dooroonayaal waydinkii daadahaynjiraye
nimanbaa dagaal hurinayeyo dabiyo baaruude
dalnah madhawro ruuxii qalbiga daabac kaga yaale
inta eebahay dawlad iyo dereg uyeelaayoh
ku dadaala nabadbaan wax lagu doorsadaa jirine

Developed by Jago Desain