Qoomaal ::Qoomyohow qof nooliba marbuu qaladka diidaaye.

Gabagakan Waxan kaga waramayaa waxa lama arag iyo lama maqal ah Oo Ka dhacay Soomaaliya. Dadka Soomaalida waxa aad moodaa in loo diyaariyey dal ay ku noolaadaan Kanna la yiri baabi’iya oo tirtira waxa korkiisa saaran iyo waxa dhulka hoostiisa ku jirahba Gabaygi waa kan

Qoomyohow qof nooliba marbuu qaladka diidaaye.
Soomaali qaabkeeda waa lala qamaadaaye
Quruumuhu ma yeelaan waxay quruxda moodeene
Qaanuun la raaciyo majiro qodob la dhawraaye
Qabqablaha dagaal iyo jirri baa qoys walba u wacane
Raga qaadka cunna iyo shuftaa qaayuhuu sidahe
Anigaa qabiil fiican baa lagu qaxweeyaaye
Qiimaha ka maqan iyo ma oga qaaligi lumaye
Ragii qaranka soo dumiyay baa lala qoslaayaaye
Qasnadaha ku wii qaatay baan qodob la weydiine
Malaayiin qof niman qawracay baa qayb libaax rabahe
Baddi baa l aqoondaystay oo qaaci loo dhacaye
Qararkii biniyo xeebihi qoofar laga waaye
Halkii qaniga ku ahayd sanladda kama qusaartaane
Waakaas qardabadiyo qirshigi qaatay reer Yurube
Qasaac baaba laga soo dhigaa lagu qadeyaaye
Idinkana qadoodeydin dilay qahar hamuuneede
Qarniyaal wixii hoos ku jiray waa la soo qayaye
Waakaas qodaal loola tegey qamarki miikoohe
Qasnadiyo kunuustii dalkaa qawle loo raraye
Qoomaashu waatay dhacdaan qolo isweydiine
Quraciyo rag baa shiday dhirtii qarada weyneyde
Allaaba waa qandood damal ah iyo qoh iyo maygaage
Geed qararahaa laggamahelo qaabihii muduge
Qardhoh iyo agteedaanu jirin qadow ladaaqaaye
Waakaas galoolkii qotomay qaar lasoojaraye
Qaddar baaba loo dhoofiyaa la isku qiiqshaaye
Abaar qaaxilaah iyo dhulkiyoo qaawan baa haraye
Qooleyda niman baa gadiyo qaalmahoo ugube
Maski qaylinjiray iyo shimbiroh quuste waahore’e
Hadaadseh qaafil tahay oo sharciga qaadan kariweydoh

Qur’aankiisa eebe iyo haddii aad diido qadartiisa
Qallad iyo wuxuu kugu ridaa qahar aduunkaaye
Idinkaa qoslaaye nafluhu waydin quursadaye.

Qoraha: Axmed yusuf Axmed ( Sheeka xariir )
Taariikhda la qoray 20/7/1997

Developed by Jago Desain