Raiisul wasaarahii lacasilay Nuur Cadde, & Sheekh Shariif iyo madaxweynaha maamulka somaliland oo wada dagay Hoteel Kambiski

Raiisul wasaarahii lacasilay ee dowlada KMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), gudoomiyaha isbahaysiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Soomaaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa xalay wada dagay Hoteel Kambiski ee magaalada Jabuuti iyadoo maanta a masuuliyiintaasi looga yeeray safaarada Maraykanka uu Jabuuti ku leeyahay.


Lama oga waxyaabaha ay ugu yeereen sanatarada Maraykanka ee ku sugan Jabuuti Madaxdaan sedaxda ah iyadoo sidoo kale aan la ogayn waxyaabaha dhaliyay in mar qura sedaxdaan masuul looga yeero safaaradda maraykanka ee magaalada Jabuuti.


Sheekh Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraytna garabka Jabuuti oo ka dhaqaaqay Magaalada Muqdisho ayaa horay waxaa ay siyaasadiisu ugu fogayd siyaasada dowladda Maraykanka waxaana arintaani ay u muuqataa isbadal dhanka siyaasada oo xiligaani uu bilaabay Sheekh Shariif.


Shanka Madaxweynha maamulka somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa dhankiisa marka uu la kulmo Masuuliyiinta wadamada Caalamka waxaa uu isku dayaayaa marwalba dhaadhicinta sidii ay u sii jiri laheeyd xukuumadda Soomaaliland islamarkaana ay kaga madaxbanaan leheeyd Soomaaliya inteeda kale balse arinta uu Maraykanku ugu yeeray ayaan haatan la saadaalin Karin
Developed by Jago Desain