Sharaf ayay ii tahay in aan maanta ku soo laabto

Madaxweye C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee xarunta Maamul gobeleedka Puntland
waxaana soo dhaweeyey dadweyne aad iyo aad u fara badan oo iskugu jira Isimo, Siyaasiin, Ururada Bulshada rayidka, Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimo ee Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulashada Dawlad Gobolaydka Puntland .

Sharaf ayay ii tahay in aan maanta ku soo laabto dalkeyga iyo dadkeygii, anoo ah Shaqsi" Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya

"Waxaan maanta dib idinkugu soo celiyay xilkii aad ii doorateen Octobar 10, 2004"
Madaxweynihii hore waxaa maanta uu ka duwanaa meelihii uu hore ee uu soo gaari jiray deegaanadan Puntland , wuxuuna ku faraxsanaa in
uu maanta ku soo laabto deegaanada dawladda Puntland, waxaana ay dad badan oo ku dhaqan Magaalada Garowe sheegeen in ay tahay maalin qadarin mudan.

Mudane Yuusuf wuxuu salaan balaaran ujeediyey dadka ku dhaqan deegaanada Puntland, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadgalyada, Yuusuf ayaa lafilayaa in uu kulamo la qaato Madaxda Puntland, Musharaxiinta iyo Isimada Puntland oo uu kala hadlayo xaaladaha Soomaaliya iyo Puntland.
Developed by Jago Desain