Sheeko Akhris Mudan : Soomaalaay Makhaayadayda ha iga imaanina mar dambe"..!!

dadka ku dhaqan dalalka deriska nala ah qaarkood, fekrado badan kama yaqaaniin dabeecadda, dhaqanka iyo caadooyinka Soomaalida, wixii ka horreeyay burburka dalka

Markii ay Qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed, gaareen,oo dhex-degeen dadkaas uun bay dad badan oo dalalkaas u dhashay arkeen dabeecado iyo dhaqanno u gooni ah Soomaalida , sida:-Shaah wada-cabidda iyo wada-sheekeysiga, oo dadka qaarkiis ku tilmaamaan 'Fadhi-ku-dirir'.

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo degen magaalo ku taalla mid ka mid ah dalalka deriska ah, ayaa waxay ku kulmeen meel Makhaayad ah. Waxay bilaabeen is-wareysi iyo dood la xiriirta Xaaladda dalka, dagaallada, kooxaha is-haya, siyaasiyiinta jooga saaxadda iwm.

Barqanimadii ayay dhallinyaradu isugu tageen Makhaayadda, bilaabeenna doodda.
Min hal koob oo shaah ah un bay ka cabbeen Makhaayadda(bigeys/caddeys);waxayna dooddoodu socotay ilaa 2:00-duhurnimo.

Makhaayadlihii, Shaqaalihii iyo Rukunkiiba, waxay fursad siiyeen Soomaalidii doodeysay, una firaaqeeyeen geestii ay ka camirteen Makhaayadda,iyagoo ula jeeday tixgelin.

Waxay moodayeen in ay Soomaalidaas doodeysa ku jiraan hawlo culus oo Siyaasadeed, Dib-u-heshiisiin iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada dalka; waayo waxaa dhegahooda ku soo dhacayay hadal-heynta Kooxaha dagaallamaya,magacyada Hoggaamiyayaasha, Degmooyin Soomaaliyeed iyo magacyada Dawladaha faraha kula jira arrimaha dalka.

Dooddaas dheer ka-dib,wuxuu Makhaayadluhu filayay in ay Soomaalidu ka dalban doonaan Qado, Cabitaan iyo Cunnooyin kala geddisan, maadaama ay muddo dheer fadhiyeen meesha oo doodayeen. Wuxuu moodayay in ay u gashay oo helayo kuus lacag ah...!!.

Laakin isku indha-caddeyn, mergiyo-taag, xuurteyn, qolo-qoleyn iyo isu-hanjabaad ka-dib ayay mar keliya wada dareereen Soomaalidii, iyagoo iska caadi ah.

Makhaayadlihii ayaa isagoo yaabban ka daba-tagay Soomaalidii,weydiiyayna wixii ay maanta oo dhan ka doodayeen oo isugu bax-baxsanayeen..!!. Waxayse ugu jawaabeen:-"Waan iska baashaaleynay","Waan sheekeysaneynay","Caadi waaye, dhibaato ma jirto"iwm.


Makhaayadlihii ayaa si kulul oo caro leh u yiri:-"Haddii uu Baashaalkiinnu sidan yahay, sheekeysigiinnuna qaabkan u dhacayso, saacadaha intaas la egna qaadaneyso,waxna aydaan ka cuneyn Makhaayadda, Rukunkiina aad kuraasta ka buuxineysaan, fadlan,Makhaayaddeyda ha iga imaanina mar dambe"..!!.

marka sideed u aragtaan sheegatan ,
Developed by Jago Desain