UGANDA IYO BURUNDI OO BEENIYEY LANA YAABAY HADALKII MELES ZENAWI


Kampala Okello Oryem oo ah Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Ugaandha ayaa sheegay in uu la yaabban yahay warka Meles Zenawi ee ah in ay Burundi iyo Ugandhaba ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya inta aysan Itoobbiyaanku ka bixin.

"Aslanba arrintaasi waxba kama jiraan, hadalka Zenawi ka soo yeerayna wuxuu ka soo horjeedaa wax kasta oo aannu is niri."ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenku. "
Haddii loo baahdo waxaannu ciidamadeenna ku kordhinaynaa gaasas hor leh."ayuu intaa ku daray Md. Oryem.

Burundi ayaa lafteedu soo saartay warmurtiyeed ay ku beeninayso hadalka ka soo yeeray Zenawi.Tani waxay jawaab u ahayd hadalkii uu Meles Zenawi baarlamaanka dalkiisa ku yiri oo ahaa in ay "Ugaandha iyo Burundi dalka Itoobbiya ka codsadeen in ay ciidamadeedu ilaaliyaan marka ay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya. "Maraakiib iyo Diyaarado ciidamadooda daabbula ayay sugayaan" ayuu horay u yiri Zenawi.
Developed by Jago Desain