680-Somali ah oo ku dhintay badda Yemen

Warar iminka soo ifbaxaya ayaa sheegaya in tiro lagu qiyaasay in ka badan 680 Somali ah ey ku nafwaayeen badda Yemen xilli ey saarnaayeen doomo yar-yar oo ey kaga baxsanayeen dagaalada iyo nolol-xumada ka taagan dalka Somaliya.

Dadkan oo inta badan ahaayeen Somali ayaa sidoo kale la sheegayaa in ey wehliyeeh tiro dad Itobian ah, waxaana ey kala saarnaayen sadex doomood oo yar-yar islamarkaana ey dadka si xad-dhaaf ah u saarnaayeen.

Qaar ka mid dadkani ayaa lagu guuleystay in la bad-baadiyo walow tirada la bad-baadiyay ey aad u yaraayeen, Doomahan sadexda ah ayaa la sheegay in ey kasoo dhaqaaqeen magaalada xeebta ku taal ee Bosaso, Bari.


Developed by Jago Desain