Al- Shabaab ayaa lugu waramay in laga saaray gudaha Magaalada Dhuusa-Mareeb

Kooxaha Al- Shabaab iyo Ehlu Suna Waljameeca ayaa dagaalo qaraari ay ku dhexmareen Saakadii hore degmada Dhuusa-Mareeb, waxa ayna dagaaladan geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay ku waramayaan wararka laga helayo Magaaladaasi.

Dagaaladan ayaa geystay inta laga warqabo dhimashada 11 qof oo
rayid ah, halka dhinacyada kalena ay jiraan Dagaalyahano badan oo kaga geeriyooday dagaaladan.

Al- Shabaab ayaa lugu waramay in laga saaray gudaha Magaalada Dhuusa-Mareeb, isla markaasna ay Kooxdaasi ay isku uruuriyeen Saldhigyadooda Milateri ee kuyaala gobalka Galguduud meelo ka mid ah
Hogaamiye ka tirsan Al- Shabaab ayaa usheegay Saxaafada Soomaalida in ay sababta ay uga baxeen Dhuusa-Mareeb ay tahay, ayagoo uxanaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada, isagoo intaasi ku daray in ay doonayaan in ay wax ka qabtaan xaalada Magaaladaasi.

Afhayeen uhadlay dhinaca kale ee Ehlu Suna Waljameeca ayaa siweyn uga soo horjeestay in ay Al- Shabaab isaga baxeen Magaalada, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin warkaasi ee dagaal adag looga saaray Magaaladaasi, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in ay Al- Shabaab kula dagaalamaan meel walba oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Developed by Jago Desain