Boliiska Wadanka Malaysia Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Qaar Ka Mid Ahaa Raggii Dilka U Geystay Ardaygii Soomaaliyeed.

Dadaalo iyo daba gal fara badan oo ay sameeyeen boliiska wadankaasi Malaysia ayaa la sheegayaa inay u suurta gashay soo qab qabashada afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa raggii sida arxan darrada aheyd u dilay ardaygii Soomaaliyeed ee Khadar C/qaadir Siciid, kaasoo meydkiisii lagu aasay qabuuraha jaamacadda islaamiga ee UIA.

Mar ay booliska Malaysia kala soo qeyb galeen Soomaalida aaska ardaygaasi ayaa waxa ay u balan qaadeen inay soo qab qaban doonaan gacan ku dhiiglayaasha ayna hor keeni doonaan sharciga . Iyagoo dhanka kalena u tacsiyeeyay guud ahaan eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay
ardaygaasi Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Booliska ayaa sheegay inay hayaan cajalad Video ah oo duubtay qaabka ardaygaasi loo dilay iyo waxyaabihii loo adeegsaday dilkiisa, iyadoo ragii isugu tagay ardaygaasina ay ahaayeen ilaa iyo lix dhalinyaro ah oo afar ka mid ah wajiyadooda la sixi karo halka labo kaloo lagu raad joogo weli la la'yahay







Developed by Jago Desain