Gudoomiyaha gobolka Banaadir ::qaraxaasi waa fal xasuuq ah oo loola soo bareeray shacabka Somaliyed

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii dhintay kuna kuna dhaawacmay qaraxii is miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka guriga shaqaalaha oo ku yaala wadada Maka Al mukarama ee magaalada Muqdisho ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lala beegsanayey ciidanad AMISOM ee halkaasi degan uu ku qarxay wadada bartamaheeda.

Dhagaxtuur ayaa ku tilmaamay qaraxaasi fal xasuuq ah oo loola soo bareeray shacabka Somaliyed sida uu hadalka u dhigay, isagoo ku eedeeyey iney ka dambeeyeen wax uu ku
tilmaamay kuwo arxan laaweyaal ah oo ka soo horjeeda una adeegeynin maslaxada umadda Somaliyeed iyo nabada la baadi goobayo, wuxuuna ugu baaqay shacabka Somaliyed iney meel uga soo wada jeestaan sidii kuwaasi loola dagaalami lahaa, wuxuuna sidoo kale ka codsaday beesha caalamka in arintaasi ay gacan ka siiyaan shacabka Somaliyed.

“Dadkii dhintay waaba dhinteen ALLAHA u naxariistee, kuwa dhaawacmayna waxaana u daad gureynay isbitaalada magaalada Muqdisho oo hadda lagu daaweynayo, waxaan ugu baaqayaa guud ahaan shacabka iney midoobaan, gurmadna u fidiyey dadka walaalahood ah ee ku dhaawacmay qaraxa, anaguna haddii aan nahay maamulka gobolka Banaadir gacan ayaan ka geysan doonaa kaalmeynta dadkaas” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur).


Developed by Jago Desain