Mareykanka oo Qaramada Midoobay ka dalbaday in dalka Soomaaliya loo helo ciidamo caalami ah.

War ay faafiyeen maanta Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ayaa wuxuu sheegayaa in Dowlada Mareynka ay golaha Ammaanka ee QM hor dhigty qaraar ay ku dalbaneeyso in la helo ciidamo caalami ah oo loo soo diro dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee Qaraarka ay dowlada Mareykanka hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu dhigayaa in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda QM loo soo diro dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada ka socda Midowga Africa ee AMISOM isla markana 6-bilood loogu daro waqtiga ay joogayaan dalka Soomaaliya.Balse
Dowlada Mareykanka ayaa waday Go’aankan in mudo ahba, taasoo ay ku dooneeysay in golaha ammaanka uu ansixiy ciidamo ka socad QM oo loo soo diro dalka Soomaaliya iyadoo arintaasina uu dhankiisa uga olaleeynayay ururka midowga Africa.

Sida lagu soo warramay Go’aankan ayaa la filayaa in uu Golaha Amaanka ee QM uu ansixiyo 1-da Bisha Juun ee sanadkan 2009, hase ahaatee go’aanka qoraal Mareeykanka uu wado ayaa taageero uga heysto Wadamo badan.

Sidoo kale waxaa Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon uu horay u sheegay in arintani uu u gudbiyay wadamo gaaraya illaa 50-wadan kuwaasi oo uu ka waayay wax tixgalin ah oo arinta ciidamo loo soo diro dalka Soomaaliya la xiriirta.

Si kasta ha ahaatee arrintu Go’aankan ayaa sheegayaa in la hor marin doono howlaha ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda midowga Africa ee jooga dalka Soomaaliya, isla markana waqtiga loo sii kordhin doono,sidoo kale ciidamo hub sita oo ka socda QM loo soo diro dalka Soomaaliya inta laga helayana tababar iyo saad military loo sii fidiyo ciidamada AMISOM.


Sourse AP
ruunyo@gmail.com

Developed by Jago Desain