OPINION : YAA DILAY MARXUUM C/RAXMAAN XAAJI WALDIIRE

Sida la wada ogyahay maalmo ka hor waxaa hooygiisii lagala baxay si gardaro ahna loo toogtay Allaha u naxariistee C/Raxmaan Xaaji Waldiire oo si nabad ah u daganaa hooygiisa magaalada Kismaayo. Hadaba qormadan ujeedadeeda ayaa ah in la iftiimiyo xadgudubka loo geeystay muwaadhinkaa aan waxba galabsan iyo cida dilkiisa ku riyootay dabadeedna fulisay iyo ujeedada ka danbeeysa.

Magaalada Kismaayo oo eey dhacdadani ka dhacday ayaa ah magaalada madaxda gobalka J/Hoose halkaa oo waqtigan xaadirka ku amar ku taakleeyaan kuwa
iyagu ma’ahee u heeysta inta kale umada in aanay islaam ahayn kuna imanin rabitaanka shacabka ee sidii kuwii iyaga ka horeeyay ee qabqablayaasha dagaalka magaalada iyo gobalkaba qori caaradii ku qabsaday.


Dilkii gardara ahaa ee Marxuum Waldiire ku fuliyeen waxeey sabab uga dhigeen iyagoo kala hadlay ; diinta ayuu ka baxay, waxaa la xaqiijiyay in Marxuumku ashahaadanayay markii rasaarta ku furayeen. Ma adigaa qalbigiisa daalacday waa tuu Rasuulku SCW ku lahaa saxaabigii dilay ninkii ashahaadada ku dhawaaqay dagaalkii Islaamka la galeen kufaarta. Hiiraale ayuu la hadlay iwm. Waxeey is ku darsadeen in qof eedeeyaan xukunkuna iyagu ridaan taas oo ah mid aan shuruucda aduunka gaal iyo muslim midna ku dhaqmin.

Axmed Cabdi Xuseen oo ka mid ah kuwa amxaarada ku ilaaliso Baydhabo ayeey is la qolodan qabteen oo aay sii daayeen. Waldiirana gurigiisa inteey kala soo baxeen ayeey toogteen. Hadii eey cadaalad ku dhaqmayaan kuma ayaa mudan in la dilo Axmed iyo Waldiire. Dilka Waldiire ma aha kii ugu horeeyay ee loogeeysto beesha uu ka soo jeedo ee horey waxey u dileen tiro ilaa tobon gaareeysa laga soo bilaabo Xamar ilaa Kismaayo oo qaarkood ahaayeen xaafidul Quraan cidna dhib u geeysan. Hadaba waa kuwee kuwa dilkan ka danbeeya.

Nimankan Alshabaab lagu sheego ee ka mid ah kuwa Kismaayo dadka ku laayay ayaa waxa ugu cadcad nimanka lagu kalo magacaabo Zeylici iyo Xasan Yacquub. Zeylici ayaa ka yimid gobolada Waqooyi halka Xasan Yacquub oo ka soo jeedo Baay. Ilaa iyo iminka ragani waxey ku mashquulsan yihiin sidii eey u ugaarsan lahaayeen waxgaradka beesha Absame ee Jubooyinka hadii hoos loo dhaadhacana beesha Ogaadeen. Waxeey ahaayeen kuwa huriyay colaadii Dhoobleey agteeda ka dhacday una ogoleeyn in dadka deegaanka danahooda ka shaqeeyeen. Magaalada waxaa jooga intii badneeyd kuwii Hiiraale la beel ahaa lana shaqeeynayay mase taaban karaan waxeey ka baqayaan in masaajida lagu toogto. Beesha Absame waa in danaheeda u istaagtaa oo aay meel uga soo wada jeesteen kuwan islaanimada umada nacsiinaya ee dano gaara wata.

Nimankan daadiyay dhiiga Marxuum Waldiire ayaa ah koox si gaara isugu xiran oo beeshaa kor ku soo sheegnay ugaarsanaya. Kuwii xukumay dilka Marxuumka ayeey iyagu cadeeyeen in aanay ahayn maxkamadii wadaaga lagu ahaa ee magaalada ka dhisneeyd toos uu muujineeysa ujeedada dhabta ah ee ragan dadkii magan galiyay xasuuqaya. Inta arintu aanay faraha ka bixin waxeey ku haboon tahay in Sh Xasan Turki ragani u diro deegaanadooda si cadowga halkaa ugala dagaalamaan gaar ahaan Berbera iyo Hargeeysa oo ah meelaha ka soo dagaan hubka amxaaradu ku leeyneeyso umada Soomaaliyeed.

Inkasta oo Marxuum Waldiire uusan ifka ku soo noqoneeynin hadana masuuliyada dilkaa waxaa qaadaya Zeylici iyo Xasan Yacquub oo aan fileeyno in dunidan guudkeeda looga abaal mariyo inta aan aakhiro la gaarin. Xogog badan ayaa ragani laga hayaa oo aan saxaafada u soo bandhigi doono mararka soo socda.

Muumin2008@hotmail.com

Developed by Jago Desain