Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jabbaan Yoshi Morri ayaa

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jabbaan Yoshi Morri ayaa wuxuu qorsheynayey kulan uu la lahaa madaxweyihii hore ee Maraykanka Mr. Bill Clinton.

Madaama uusan luqadda Ingiriiska ku fiicneyn Ra’isul Wasaaruhu ayaa waxay tarjumaanaadiisa u sheegtay in uu hadalku kubilaao “How are you?” oo la macno ah “Sidee tahay?”, Clintona uu ku jawabi doona “I am Fine” oo ah “Waan fiicanahay”, dabadeedna wuxuu raacin doonaa “And You?” oo ah “Adiguna?” kolkaas waxaad ku jawaabtaa “Me too” oo ah “Aniguna sidoo kale”. Intaa wixii ka dambeeya howsha anagaa sii wadi doona ayey tarjumaanadiisii ku yiraahdeen Ra’isul wasaare Yoshi Morri.

Mar alla markii ay kulmeen Ra’isul Wasaarahii iyo Bill Clinton
oo ay markaa la socotay xaaskiisa Hillary ayaa waxaa uu Ra’isul Wasaaruhu si khalad ah u yiri “Who are you?” oo macnaheedu uu yahay “Kumaa tahay” balse uu ula jeeday “How are you?”, Clinton oo yaaban , dhinacyadana fiir fiirinaya xaaskiisuna ay garab taagan tahay ayaa isagoo kaftamaya ku jawaabay “I am Hillary’s husband” oo ah “waxaan ahay odaygii Hillary (Xaaskiisa)” wuxuuse u raaciyey “And you?”, Ra’isul Wasaaraha oo sugayey ereygaas dambe ayaa ku jawaabay “Me too” oo la micno ahayd “anigana sidoo kale”, jawaabtan dambe waxay si aad uga yaabisay Mr. Clinton oo u fahmay in uu ra’isul wasaraha leeyahay “anigana waxaan ahay odagyii Hellary”.

Readed Times
Developed by Jago Desain