Ururka Midowga Afrika ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsanaa qabsashada al-Shabaab ee magaalada Baydhabo

Kulan aan caadi ahayn oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu u arko qabsashada magaalada Baydhabo xaalad fowdo ah.

Bayaanka laga soo saaray shirkaasi waxaa lagu sheegay in kulanka ugu horeeya ee Madaxda Midowga Afrika looga hadli doono xaalada dalka Soomaaliya.

Kooxda al-shabaab ayaa qabsatay magaaladaasi Baydhabo ka dib markii ciidamada Itoobiyaanka ay ka baxeen magaaladaasi
labo habeen ka hor.

Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor sheegay in uu qorsheynayo in uu ciidamo u soo diro dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baydhabo si ay u ilaaliyaan ammaanka ka dib ka bixitaanka ciidamada Itoobiyaanka

Developed by Jago Desain