Ciidan Itoobiya oo Ku soo Noqday Hiiran

Cutubyo ka tirsan ciidamo meleteriga Ethiopia oo wato gaadiidka dagaalka iyo kuwa qaado saanadaha ciidamada ayaa saakay waqti hore soo dhoobtay isgoyska Kala-beyr ee Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo markii ay soo degeen halkaasi isku fidiyay dhulka howdka ah iyo buuraha ku dhaw isgoyska Kala-beyr ayaa baaritaano ku bilaabay gaadiid mara halkaasi iyadoo ilaa haatan la ogeyn sababta keentay in ay halkaasi soo degaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadan oo lug iyo gaadiid ku yimid halkaasi
markii ay soo galayeen ay ka yimaadeen dhinaca iyo Degmada Feer-feer ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxaana ciidamadani wehliyay sida Dadka qaar ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulkii hore ee Gobolka iyo ciidamo tiro yar oo la socda saraakiisha maamulkii hore.

Isgoyska Kala-beyr oo ah goob istaraatiji ah oo kala qeybiso wadada dheer ee laamiga ah ee isku xirta Gobolada Waqooyi, kuwa Koonfureed iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa laga yaabaa in ay ciidamada Ethiopia halkaasi mar walba sababta ay u soo dagayaan in ay ka dambeyso iyaga oo ka cabsi qaba in xoogaga hubeysan ee dagaalka mudada ay kula jireeen in ay u tilaabaan gudaha Dalka Ethiopa maadaama ay horay u dhacay in xoogaga hubeysan ay weerar hoobiyayaal ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidamda Ethiopia ku lahaayeen Degmada Feer-feer ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Developed by Jago Desain