Al-Shabaab oo fulisay xukunkii ay ku riday maalmo ka hor dhalinyaro

Ururka hubeysan ee Al-shabaab Al-Mujaahidin ayaa maanta xukuno ku fuliyay 4-wiil oo dhalinyaro ah, kadib markii ay dhawaan xukuntay Maxkamad ay leyihiin, waxaana dhalinyaradan laga gooyay lug iyo gacan isdhaaf ah.

Afarta dhalinyarada ah ayaa lagu eedeeyay inay dhac u geysteen dad rayid ah, iyadoo Maxkamad lasoo taagay laba maalmod ka hor, lana soo bandhigay qalabkii ay dhacen, iyadoo maanta lagu filiyay ciqaabtii lagu xukumay.

Xukunka lagu fuliyay dhalinyaradan ayaa buuq dhaliyay, iyadoo sarakiisha Al-shabaab ay ku kala aragti duwanaadeen fulinta xukunka, iyadoo saraakiil aan Soomaali ahayn

la sheegay in xukunka la fuliyo.

Dhalinyarada xukunkan gacan iyo lug goynta ah lagu fuliyay maanta ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin: Cali Max'ud Cali Geeddi, Ismaacil Khaliif Cabdulle, Jaylaani Max'ed Xaaji iyo C/qaadi Cadoow Jeylaani.

Developed by Jago Desain