Hambalyo Shacabka Dowlad Gobaleedka Punland


Hadaanu Nahay Bahada Shabakada Allbaargaal Waxaan Halkaan ugu Hambalyeeneenaa oo aanu halkaan kagala Qeyb Galaynaa Sanad Guuradii 11 aad ka Soo Wareegtay Markii la Yagleelay Dowlad Gobaleedka Puntland, dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshoweynta Puntland sida kudayashada mudan ee hurumarka baaxada leh ay ku talaabsadeen.
Waxaanu Leenahay Dabaaldeg iyo Reynreyn Wanaagsan HORUMAR, CADAALAD, HOR USOCOD
Shacabka Rer Puntland oo laga dhehanaayo farxado wajiyadooda ka wadda Muuqato taasoo loo kala hadhin yar iyo weeyn balse Caasimadda laga dalacanaayey farxadasi oo aay Qaarkood ku labisnaayeen hidaha dhaqan somaliyeed gabadhah yar yar ayadoo aay ka dhiman tahay mudo yar

Tan iyo intii ladhisay Dawlada Puntland ayaa waxaa magaalada Garowe ee xarunta u ah dawlada Puntland ay si heer dowladeed ah loogu dabaal degay munaasabada 1da Agoosto, labadii sano ee ugu horeysay ee sanadadii 1999 iyo 2000.

Waxii intaas ka danbaysay lagama xusun 1da Agosto dhamaanba gobolada Puntland balse dawladaan cusub ee uu hogaamiye Madaxwayne C/raxmaan Faroole ayaa waxaay wacad ku martay inaay xusi doonto sanad walba 1da Agoosto.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in sanadkan dalalka dibada lagu qabto xaflado maalintaa lagu weynaynayo iyadoo aay hada qabanqabda xafladaas aay kasocoto wadamada Iskandenefiyanka gaarhaan Norway.

Ciidamada qalabka sida ee Dawlada Puntland ayaa waxaa lagaliyay heegankii ugu danbaysay iyadoo aay maalintaas aay mari doonan wada dheer ee dhexmarta casumada Puntland ee Garoowe sidoo kale waxaa dayac tir wayan lagu sameeyay Tiknikada gaashaman oo iyaguna maalintaas dhinac socon doonan cidamada qalabka sida ee Puntland State

Developed by Jago Desain