Socdaalka Hillary Clinton Ee Afrika Iyo Doorka Dalka Soomaaliya.

Xogha-yaha arrimaha dibada ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa loogu baaqay in ay si wanaagsan ugu kuur gasho islamarkaasina ay xoojisyo habsami socodka amuuraha xaquuqda aadanaha kadib safar lagu wado in ay ku marto 7 dal oo ka tirsan Qaaradka Afrika sidaana waxa sheegtay Hay’adda xaquuqda aadanaha Human Rights Watch.

Hay’adda Human Rights Wacht, ayaa ugu baaqday Clinton in ay dib u eegto wixii dhacay markii ay idlaadeen doorashooyinkii hore ee kenya xiligaasi oo la dilay dad badan kuwa kalena ay barakaceen waxana Human rights watch ay shaacisay in Kenya ay ka dhaceen xad gudubyo waaweyn sida ay sheegtay Georgette Gagnon oo ah agaasimaha Hay’addani ee Afrika.

Somalia

Clinton ayaa la filayaa in Madaxwayneha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay ku dhiiragaliso inuu taageero in la diiwaangaliyo dhamaan xadgudyada dhinacyada hubeysan ee Soomaaliya ay u gaysteen dadka shacabka ee aan waxba galabsan iyo waliba in il gaar ah lagu eego dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya sida lagu sheegay warbixinta hay’adda xaquuqul Insaanka ee Human Rights Watch.

Safarkan oo ku qaadan doona Mss Clinton 8 maalmood, Islamarkaana billaaban doona 5 bisha Bisha Agoosto, ayaa waxay Clinton ku tagaysaa wadamada Kenya, South Africa, Angola, Democratic Republic of Congo, Nigeria, Liberia, and Cape Verde, waxana sidoo kale Mss Clinton dalka Kenya ay kula kulmi doontaa Madaxwayneha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed


Developed by Jago Desain