xadgudubyo Askarta Griigu u geysteen Somali

29-kii bisha julay ayey aheyd markii ciidamada Booliska dalka Greece ay galeen xaafad ay deganaayeen Boqalaal Soomaaliyeed oo ka soo barakacay dalkooda kuwaasi oo nabadgelyo u soo raadsaday dalkaasi iyo dalalka kale ee Yurub, waxayna ciidamada Booliska ay ula dhaqmeen
.
dadkaasi Soomaaliyeed si ka baxsan bini'aadanimada, waxayna ay sameeyeen ciidamadaasi in ay dadka qaarkood jirdil xun kula dhaqaaqeen sida ka muuqata sawiradan.

Ku dhawaad 150 qof oo isugu jiray rag, haween iyo caruur ayey guryahooda ka soo saareen ciidamada Booliska Greece xili ay hurdayeen, waxayna ku kiciyeen dadka laad iyo ulal ay ku garaacayeen, iyagoo markaasi kadibna ku guray xabsiyo
Caradii ka dhalatay qaabka xun ee loola dhaqmay Soomaalida ayaa waxaa noqotay in dibadbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo ay dhigaan Soomaalida ka badbaaday xabsiyada iyo Muwaadiniinta Greece kuwaasi oo mudo labo maalmood dhigayey banaanbaxyo xoogan oo lagu cambaareynayey Dowladda Greece qaabka ay ula dhaqanto Soomaalida qaxootiga.

Haween iyo qaar ka tirsan dhalinyaradii ay ciidamadu qabteen ayaa qaarkood sidii jirdil loogu waday waxay noqdeen kuwo suuxay oo miir doorsoomay, iyadoo aysan jirin cid gargaar deg deg ah u fidisay, waxaana markii danbe gurmad u fidiyay dadkii Soomaaliyeed ee ka badbaaday xariga sida ay inoo sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan xafiiska Jaaliyada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Greece Ilyaas Xasan Cali oo dibadbaxayaasha Soomaalida iyo muwaadiniinta Greece la hadlayey ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay Soomaalida mar walba beegsadaan isla markaana aysan dhibaatadani midii ugu horeysay, wuxuuna tilmaamay in Jaaliyad ahaan ay ku guuleysteen in ay xabsiyada ka soo deeyeen in ka badan 100 qof wixii harsana laga soo bixin doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ilyaas ayaa caalamka gaar ahaan dalalka Yurub ee Soomaalida ka taga Greece gaara in aysan dib ugu soo celin dalka Greece oo uu ku sheegay in aan laga tixgelin qaxootinimada, isagoo intaa raaciyay in dhawaan Mas'uuliyiinta ugu sareysa dalkaasi gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha jaaliyadiisa kala hadli doono sidii loo hakin lahaa xadgudubyada loo geysto Soomaalida.
Developed by Jago Desain