Ololoha Horumarinta Miyiga - Cali Cilmi Afyare

Waar Soomaali duullaanka iyo dirirta ay heyso,
dunjigoodba qiirada gashiyo dooyada isdhaaftay,
duurkiyo miyiga loo kacee lagu dareeraayo,
danta loola jeediyo macnaha daallin baa garane,
dulucdiyo runtii waa jahliga inaynu duugnaaye,
dab munaafaq shiday baa la yidhi duul dhan buu gubaye,
dullaalbaa arlada meeraayiyo tuug la soo diraye,
adoo daacad wada bay si kale wax u duwayaane,
dacar iyo dhunkaal uga qadhaadh malabka Doocaane,
ducaqabaha iyo kii sanbaa looga digayaaye,
afkeennii la dilay wey-yada loo dikriyayaaye,
nimankii dusha cadaa waxay nagu duduucaanba,
dhaqankeenna doorka ah waxay hoos u dumiyaanba,
daayeerka gerigii Sanaag uga dul geeraaray,
oo hawdka goortuu ku diley dib uga sheekeeyey,
dalanbaabi iyo ciil wixi dacas na soo gaadhay,
doqontaa ilowdiyo nimaan damac ku noolayne,
dulliqabaha beentiyo fidmada kugu darrooraya,
dhabadhilif shisheeyahay la jiraa nooma duurxulo e,
dadnimadaada oo muuqatiyo duubigiyo xoogga,
dugaag iyo cadowgii ku neceb way derderayaane,
innagoo darteeniyo ogsoon waxaynu doonayno,
dalku waa u baahnaa fartee cidaha deeqsiiya,
durdur iyo rakaad waa inaad ugu dadaashaane,
deelqaafku waa ba'anyahaye daacad ugu sheega,
yaan xarafku dalab yeelannine diirka ugu qaada,
murtidii la duugaayey iyo dogobka nooleeya,
dildilaacsha maansooyinkaa dahab ku buuxaaye,
dararta iyo heesha macaan looxa ugu duuga
duuduub wixii kugu noqdaa kaama daadego e,
siyaasadda la doortiyo waddada doogga lagu gaadhay,
hantiwadaagga baaqiisa iyo dawladnimadeenna,
duqu haddalladuu sheegey iyo waxaynnu doonayno,
Ugu dara durrustaad dhigtaan garasho waa doore,
dacwadaasu waa macallimida midaan dareensiiyey,

Developed by Jago Desain