Beeldaajaha CalBari Oo baaq Nabadeed Diray Beelaha ku diriray cagaarane

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yasiin Beeldaajaha Calbari Ayaa Baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalami degaanada Cagaarane, Bacadweyne Iyo Cammara, Waxana u ugu baaqay Beelaha Walaalaha ah Ee ku dagaalami degaanada kala duwan inay dagaalka joojiyan Isla markana Nabada qatan

”Dadka Walaalaheen ah ee is dilaya waxan ugu Baaqaya inay Joojiyan Xabada Iyo Dhiga dadanaya, Waana ka Xunuunsan Dhiiga Iyo Xabada ay daadin, Waxana ugu baaqaya inay joojiyan Oo la wada hadalo” Ayuu Yiri Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yasiin Oo la hadlaya Radio Daljir Ee Magaalada Garoowe

Beeldaaje Ismaaciil Ayaa sheegay in loo bahan yahay in dagaalada iyo Dhiiga Shacabka Walaalaha Ah ee Somaliyeed sidaa ugu dhaqsaha badan loo joojiyo, Sii gaar ah Beeldaajahu Waxa ugu baaqay Beelaha ku dagaalami, Bacadweyne Iyo Cammara, Inay Xabada joojiyan, Sidoo kale Beeldaajaha Calbari Beeldaaje Ismaaciil ayaa ugu baaqay Beelaha mar kale dagaalkoodu ka soocusboonaday degaanka Cagaarane ee Gobolka Nugaal inay Xabada joojiyan Nabad iyo Wada hadalkana la isagu yimado isaga oo Sheegay in Aan Xabadii Xal aheyn

Sidoo kale Beeldaaje Ismaaciil ayaa ka sanqariyey dagaaladii ka dhacay Gobolka Bari degaano ka tirsan, Isaga oo sheegay in dagaalada Laftigooda dadkii aay dhexmareen loo sameeyo Wada hadal Iyo Heshiisin, Madama weli uusan jirin Wax Heshiis ah oo arrinta laga gaaray

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yasiin ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay Dhamaan Shacabka Somaliyeed in laga shaqeyo Nabada, dagaaladana la joojiyo

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yasiin ayaa ka mid ah Issimada ugu dhalinta yar Puntland, Waxana dhowaan aay aheyd markii lagu doortay Degmada Caluula ee Gobolkan Bari



Isha Warka : Somalifans
Developed by Jago Desain