Furitaanka website cusub Ruunyo.com

Inkasta oo ay Website-yada Somalia kaalin mug leh kaga jiraan sidii wararka ugu danbeeyay ee dalkeena hooyo ay u soo gaarsiin lahaayeen dadweynaha ku nool dunida hareeraheeda, ayaa haddana waxaan meesha ka Maqnayn tabashooyin dhanka helidda warar dhab ah oo dheelli tiran.

Iyada oo inyar Maahee website-yada dalku u badan yihiin qaar mucaaridnimo Xag-jirta ku talax tegay oo aan haba yaraatee wakhti ku lumin inay wax ka sheegaan Horumarka Dalka ee dhinacyo badan leh.

Taas oo aad mooddo inay qaarkood ka door bidayaan Dacaayadaha raqiiska ah, shaqsi cayga iyo
baaqyada beelaysan, 


Haddaba annaga oo intii dadaalkayaga ah isku dayayna inaanu u soo gudbino Dadwaynaha Somalia Sidaas awgeed Ayaanu waxaanu idiinku bushaaraynaynaa furitaanka Website cusub oo la yidhaahdo Ruunyo.com.

Bal haddaba nala arka Shebekaddaas Wararka ee Cusub.

Wa Billahi Towfiq Hawlwadeenada
Ruunyo.com
Baargaal , somalia



Developed by Jago Desain