Horumarka Baargaal Maxaa Ka dhiman ?

Magaalada Baargaal ayaa Sida dadka Ku nool Magaaladaas Rajaynaayaan waqti dhow noqon doonta hadee eebe yiraahdo magaalo horumartay oo la tartami karta magaalooyinka caalamka,


Kadib Markii la gaarsiiyay isgaarsiinta qaybaheeda kala duwan ( landline , GSM mobile ) waxaa lagu soo Biirshay Adeega Internetka Dail Up Hadana Waxaa soo Gaaray internet-ka dheereeya (DSL or Cable satellite) waa Kan la oran karo waxaa u fure u yahay albaabka horumarka Degaan kasta

Marka Waxa dhab ah oo aynu wada ogsoon nahay In horumarkaasi uu ka miisaan weyn yahay heerka waxbarasho ee Degmada Baargaal ,

Sidaas Owgeed waxa waajib ah in ay culayska saarno sida aan u gaarsiin lahan Dadka Degaanka waxbarasho tayo leh, dadkana wada gaarta meel kasta oo ay ku kala dhaqan yahiin.

Waxbarashadu waa hab barbaarineed oo u habaysan si ay u hagto bulshada. Waxa ay jihaysaa aayaha Degaanka iyo dadka ku nool. Waa wax la yaqaan, Inaanu Jiri akrin Dhaqaale kobcayaa oo hore u marayaa haddii, aan aqoon lagu qorshayn oo lagu maamulayn. Ma jirto bulsho isbeddel iyo horumar gaarta, haddii aqooni maqantahay. Ma jirto bulsho hab nololeedkeeda sare u qaadi kartaa, haddii aanay aqoonta dadkeeda adeegsan.

Noociyadda waxbarashada ee la qorsheenaayo , waa in ay noqotaa mid laga rabo in ay ka jawaabto marba baahida iyo mushkiladaha / dhibaatooyinka degaangu leeyahay. Waa in waxbarashadu ahaataa mid lagu sar gooyey dhaqanka iyo diinta aasaaska u ah bulshada, hab nololeedka, habka wax soo saarkeeda iyo bii’adda dalka .

Marka Hadaad Haysid Mashruuc Horumarineed ee Xaga waxbarashda ee dagaan Baargaal ama wixii fikrado ah Waa la soo Dhawaynaayaa .




qaabka aad rayigaaga u soo bandhigi kartid:

waxaad marka hore liiska hoose ka doortaa : Name /url
ku qor magacaga kana fogow wax aflagaado ah , Ku xisaabtan qoraalkaaga aad ku qortid halkan in ay akhrisan doonaan dad aad u fara badan
Ruunyo.com
Developed by Jago Desain