Laba markab oo laga leeyahay Russia iyo Liberia oo kooxo burcad badeed ah soo afduubteen

Laba markab oo laga leeyahay Russia iyo Liberia ayaa maanta kooxo burcad badeed ah ka afduubteen biyaha gacanka cadmeed.
Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa afduubtay labadaan maraakiib oo laga kala leeyahay wadamada Ruushka iyo Laybeeriya ka dib markii ay weerareen xilli ay ku safrayeen Biyaha gacanka Cadan ,Afhayeen u hadlay ciidamda ee midowga Yurub ee howlgalka ka wada biyaha Soomaaliya oo lagu magacaabo John Haarbor ayaa sheegay in kooxaha burcad badeedu ay maraakiibtaan ka afduubteen meel 350 mile xeebaha Soomaaliya u jirta maanta oo arbaco ah
Markabka Ruushka oo lagu magacaabo Moscow unirversaty ayaa ku sii jeeday wadanka Shiinaha, kaa oo ay saran yihiin 23 qofood oo shaqaalo ah, kuwaa oo Ruushiyaan ah, waxaana wararku sheegayaan in markabkaas uu siday saliid kaa oo ku sii jeeday wadanka Shiinaha.

Mr. harbor ayaa sidoo kale sheegay in la fahmay in markabka dagaalka ee dowladda Ruushku uu ku sii jeedo meesha kooxahaasi ay ula dhaqaaqeen maraakiibta ay afduubteen.

Wadamada geeska Africa oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa marin muhiim ah u ah maraakiibta shisheye gaar ahaan kuwa ganacsiga .

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca afduubka ku aaddan markabka laga leeyahay wadanka Laaberiya .

Kooxaha burcabadeeda ayaa kordhiyay weerarada ay ka wadaan biyaha Soomaaliya kuwaa oo ay kula wareegeen maraakiib fara badan oo ganacsi.
Developed by Jago Desain