Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadlay Xaalada Puntland

Madaxweyne Faroole ayaa maalinimadii shalay gaaray magaalada Garowe, halkaasi oo ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay uga socdeen kulamo uu la yeelanayo Xukuumada iyo mas’uuliyiinta Dowlada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey falalkii dilalka ahaa ee ka dhacay dhawaan magaalada Bosaso ayaa sheegay sheegay in dilalkaasi ay geysanayaan waxaa uu ugu yeeray dhagar qabayaal Argagaxiso ah oo diidan horumarka Puntland isagoo sheegay in dadkaasi ay lumiyeen da’ayarta iyagoo buu yiri ku beer laxowsada goobaha diinta lagu barto iyagoo kusoo jiidanaya arimo diinta
salka ku haya sida uu sheegay.

Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweynuhu inuu soo dhowaynayo nadwadii ay dhowaan ku qabteen Culimadda Soomaaliyeed Magaalada Garoowe oo ay Puntland martigelisay, isagoo xusay in loo baahanyahay in nadwooyinkaasi looga hadlayo arimaha diinta ay noqdaan kuwa isdaba joog ah oo sii socda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii la helo wacyigelin laga hortagi karo wax uu ku tilmaamay cadow u xuubsiibtay in ay Masaajidada qarxiyaan isagoo maah maah ahaan usoo qaatay “….Balo inta ay kaa maqantahay cid kale ayay ku maqantahay….” sidaas daraadeed ayuu yiri waxa loo baahanyahay in qof kasta uu ka shaqeeyo amaanka guud ee Soomaaliya.

Dhanka kale Dr.Faroole ayaa soo hadal qaaday Isimo dhowaan baaq ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay in wax laga qabto amaanka, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Burcadbadeeda in mid ka mid ah Isimadaasi oo uusan carabaabin u ku tilmaamay in ay soo dirsadeen Kooxaha ka dagaalamaaya koonfurta dalka Soomaaliya.

”…..Nin aan waalidkiis Isim soo noqon ayaa sheeganaya Isima, waxaa nasiib wanaag ah in Isimadii ay ka hadleen arimahaasi….”,ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlay baaqii Isimada ee dhawaan kasoo baxay magaalada Bosaso.

Dhowaan ayay ahayd markii kulan ay wada qaateen maamulka gobolka Bari iyo qaar ka mid ah Isimada gobolka Bari oo ay ka wada hadleen hadalka kasoo yeeray koox Isimo ah oo fadhigoodu yahay gobalka Bari.
Developed by Jago Desain