Ruunyo.com Fursad Inaad Barato Luqada Ingiriiska

Halkaan Waxaan ka salaamaynaa dhamaan bahda soomaaliyeed ee danaysa waxbarashada iyo aqoonkororsiga , taas oo ay inna farayso diinteena suuban , Waxaan idunku soo gudbin doonaa Haduu eebe ka raali noqdo casharo Bilowga barashada Ingiriska ,

Maxaad U baranaysaa Ingiriiska :

Waxaa jirtay weedh caan ah oo dhahaysay Qofkii duulkale barta afkooda wuxuu ka nabad Galaa sharkooda 



Marka hore La soco akhriste , casharadan waxaan ka soo gudbin doonaa buuugaag kala duwan ee barashada English Ka Anagoo ilaalin doona xuquuqda qoraaga iyo fikirka

bilowga barashada Ingiriska ee dadka af Somaliga ku hadla. Habka ama sida loogu dhawaaqo erayada waxaad ku arki doontaa eray walba agtiisa. Erayada dhaadheer, qeyb ka mid ah erayga ee hoos ka xariiqan waxa lagu dhawaaqaa sare.

Tusaale:
ceiling (siiling) saqafka jiingadda ka hooseeya
student (stuudent) arday

Casharka Ugu Horeeye Wuxuu Noqonaayaa

HABKA AMA SIDA ERAYADA LOOGU DHAWAAQO -

 b Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "b". Tusaale: big (big) weyn.
 b erayada qaarkood lagumaba dhawaaqo. Tusaale: comb (koom) shanlo.
 c Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "k". Tusaale: cat (kaat) bisad.
 Xarfaha e, i iyo y hortooda, inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "s". Tusaale: ceiling (siiling) saqafka.
 ch Waxaa loogu dhawaaqaa sida "j" qaas ahaan ch marna adiga oo xarafka "j" shidaayo. Tusaale: cheese (chiiz) burcad.
 ck Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "k". Tusaale: back (baak) gadaal.
 d Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "d". Tusaale: dog (dog) eey.
 f Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "f". Tusaale: fat (faat) buuran.
 g Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "g". Tusaale: go (goo) tag.
 Xarfaha e, i iyo y hortooda, inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "j". Tusaale: ginger (jinjer) sanjibiil.
 h Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "h". Tusaale: head (hed) madaxa.
 h erayada qaarkood lagumaba dhawaaqo. Tusaale: hour (awer) saacad.
 j Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "j". Tusaale: joke (jook) kaftan.
 k Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "k". Tusaale: kiss (kis) dhunkasho.
 l Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "l". Tusaale: leaf (liif) caleen.
 m Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "m". Tusaale: man (maan) nin.
 n Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "n". Tusaale: no (noo) maya.
 ng Waxaa loogu dhawaaqaa sida "n" gaar ahaan iyadoo xagga dambe ee carabka sare loo qaadaayo, ma aha xaggisa hore. Tusaale: song (song) hees.
 p Waxaa loogu dhawaaqaa sida "b" qaas ahaan p marna adiga oo xarafka "b" shidaayo. Tusaale: pea (pii) diger.
 ph Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "f". Tusaale: phone (foon) telefoon.
 qu Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "kw". Tusaale: quick (kwik) dhaqsi.
 r Waxaa loogu dhawaaqaa sida "r" Somalida oo kale. Marka lagu dhawaaqayo r sida Ingriska carabka lama taabsiinaayo xagga sare. Tusaale: red (red) casan.
 s Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "s". Tusaale: sun (san) cadceed.
 

Erayada qaarkooda s waxaa loogu dhawaaqaa sida z iyadoo laga dhawaajinaayo cunnaha. Tusaale: nose (nooz) sanka.

Erayada qaarkooda s waxaa loogu dhawaaqaa sida "sh", laakin iyadoo laga dhawaajinaayo cunnaha. Xarafaka "ZH" waxaa loo isticmaalaa sida dhawaaqiso yahay. Tusaale: television (telaviZHen) telefisyoon.

 sh Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "sh". Tusaale: shoe (shuu) kab.
 t Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "t". Tusaale: tall (tol) dheer.

th Erayada qaarkood waxaa loogu dhawaaqaa sida "sh" iyada carabka, ilkaha fooda hore lagu xajinaaya. Tusaale: thin (thin) caato.

Erayada qaarkood waxaa loogu dhawaaqaa sida aan kor ku soo sheegnay oo kale, gaar ahaan iyadoo laga dhawaajinaayo cunnaha. Waxaa loogu dhawaaqaa sida "d" ee erayga "odey". Xarafaka "TH" waxaa loo isticmaalaa sida dhawaaqiso yahay. Tusaale: this (THis) kan.


v Waxaa loogu dhawaaqaa sida "f", laakin iyadoo laga dhawaajinaayo cunnaha. Tusaale: evening (iivening) galab.

w Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "w". Tusaale: wife (waayf) xaas.
 x Sida badan waxaa loogu dhawaaqaa sida "ks". Tusaale: box (boks) sanduuq.
 Bilowga erayga x sida badan waxaa loogu dhawaaqaa sida z. Tusaale: xerox (zeroks) lagu sawiro.
 y Inta badan waxaa loogu dhawaaqaa "y". Tusaale: yes (yes) haa.
 Erayada qaarkood waxaa loogu dhawaaqaa sida "ii". Tusaale: lucky (lakii) nasiib.
 Erayada qaarkood waxaa loogu dhawaaqaa sida "aay". Tusaale: fly (flaay) duulid.
 z Waxaa loogu dhawaaqaa sida "s", laakin iyadoo laga dhawaajinaayo cunnaha. Tusaale: zero (ziiroo) eber.

Sidaas waxaa noogu Eg  Chasharkii koowaad ee casharo taxano ah oo aan rajaynayno inuu u faaideeyo akhristayaasha shabakada ruunyo.com 
Developed by Jago Desain