Dowladda Hoose ee Bosaaso Oo Bilaabaysa Burburinta goobaha Sharci darrada

Dowladda Hoose ee degmada Bosaaso ayaa sheegtay in ay bilaabayso burburinta goobaha sida sharci darrada ah ku dhisan.

Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa sheegay in maalinimada berito ah oo ku beegan 19.June.2010 ay si rasmi ah u bilaabi doonaan howlaha ay ku burburinayaan dhismooyinka sharci darrada ah.
…Berito hadii ilaahi idmo waxaan bilaabayna howlahaas oo in mudo ah xayiraad ku yimi sababo dartood,marka dadka waxaan si naxariis ah uga codsanaynaa dadweynaha in ay alaabtooda ka furtaan inta aan lagu imaan..
”,ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in ay lama huraan tahay furitaanka wadooyinka muhiimka ah isla markaana dadka looga baahanyahay in ay ka qayb qaatan.

Dhowaan ayay ahayd markii Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaaso ay ku dhawaaqeen in ay bilaabi doonaan Olole ay ku burburinayaan goobaha sida sharci darrada ah ee ku dhisan oo ku yaalla magaalada Bosaaso.
Developed by Jago Desain