Maraakiib Gujis ah oo ku soo socdah xeebaha soomaaliya

Ciidamada Isbahaysiga Nato ayaa sheegay in ay ka codsadeen Holand in ay kusii biiriso la dagaalanka ay Burcad badeeda Maraakiib Dagaal oo ay ku jiraan Maraakiibta bada hosteeda quusa ee loo yaqaano gujiska.

Wasiirka Difaaca Holand waxaa uu sheegay in ay dowladiisu ka aqbashay Nato dalabkaasi,iyadoona sida ugu dhakhsiiyaha badan ay xeebaha Soomaaliya ugu soo dirayso Markab gujis ah oo qayb ka noqda la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida.

Dowlada Holand oo qayb ka ah la dagaalanka Burcad badeeda ayaa haatan Markabkan cusub ee ay xeebaha Soomaaliya usoo dirayso uu noqonayo mid sii kordhiya tirade Maraakiibta dagaalka Nato ka jooga xeebaha Soomaaliya.

Weerarada sii kordhaya ee Burcad badeeda Soomaalida ayaa keenay in ay dalal badan oo caalamka ah ay ku hamiyaan in ay Maraakiib dagaal geeyeen xeebaha Soomaaliya si ay u yaraadaan weerarada ay Burcad badeedu qaadayaan.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Dowlada Holand maxkamad kusoo taagtay magaalada Rotterdam 5 burcad badeed Soomaali ah kuwaas oo markii dambe min 5 sano oo xarig ah lagu xukumay.
Developed by Jago Desain