Ciidanka Badda MALTA Oo Qabtay Rag Looga Shakisanyahay Burcadbadeed Soomaali ah

Ciidanka Badda MALTA oo qayb ka ah howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida ayaa howlgal ay sameyeen gacanta ku dhigeen tiro rag ah oo lala xirririnaayo falalka Burcadbadeednimada.

Howlgalka ayaa dhacay gelinkii dambe ee arbacada ah,waxaana ay ragga Soomaalida ah la qabtay ay tiro ahaan gaarayaan lix qof oo watay dooni yar oo nooca dheereeya.waxaana laga qabtay xeebaha gacanka cadmeed.


Saraakiisha Ciidanka Badda MALTA ayaa sheegay in ragaasi ay doonayeen in ay weeraraan Markab dagaal oo ay iska leeyihin Ciidanka Badda Holland oo lagu magacaabo HNLMS Johan de Witt.

Ragga la qabtay ayaa iyagu iminka la weydiinaaya su’aalo,waxaana aan la sheegin in lagu qabtay hub.



ruunyo.com
Developed by Jago Desain